4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 23, 2014
Dagaal khasaare geystay oo Maanta ka dhacay gudaha degmada Caabudwaaq

Arbaco, July 23, 2014 (HOL) — Malleeshiyo beeleed ayaa maanta ku dagaalamay gudaha degmada Caabudwaaq ee gobolka Galguduud, dagaalkaas oo dhaliyay khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalkan ayaa ka billowday muran soo dhexgalay labada malleeshiyo ee dagaalamay oo kasoo wada-jeeda beesha degta degmada Caabud-waaq oo ka mid ah degmooyinka ay ka taliso Ahlusunna Waljamaaca.

Inta la ogyahay dagaalka waxaa ku dhintay afar qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen in ku dhow 20-qof oo kale, kuwaasoo isugu jiray shacab iyo dhinacyadii uu dagaalku u dhexeeyay.

Afarta qof ee dhintay ayaa la sheegay in saddex ka mid ah ay labadii dhinac ee dagaalamay ka tirsanaayeen, halka qof kale oo dumar ahayd ay rasaas habow habow ah ku dishay gurigeeda.

Isbitaallada Xayaat iyo Badbaado ayaa la dhigay dhaawacyadii uu sababay dagaalka, iyadoo dagaalka uu xilligan yahay mid qaboobay, balse ay dhinacyadu weli isku horfadhiyaan xaafadaihii ay maanta ku dagaalameen.

"Sagaalkii aroornimo ee sakay ayuu dagaalku qarxay, waana dagaal uu sababay muran u dhexeeya labada dhinac ee dagaalamay, runtiina ma jirto cid isku howshay weli inay kala dhex-gasho labada dhinac ee uu dagaalku u dhexeeyo," ayuu yiri mid ka mid ah dadka Caabduwaaq ku nool.

Xaafadaha lagu dagaalamay oo kala ahaa Amaana iyo 21-ka Oktoobar ayaa wuxuu dagaalku ku yeeshay saameyn ka weyn tan uu degmada oo dhan ku yeeshay, iyadoo uusan ka jirin ganacsi iyo dhaqdhaqaaq.

Waxgarad iyo odayaal kasoo jeeda Caabduwaaq ayaa ku baaqay in la joojiyo colaadda nabadna lagu dhammeeyo waxyaabaha khilaafku ka dhashay, inkastoo aanay weli muuqan wax laga qabtay colaaddan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya