4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 23, 2014
Al-shabaab oo toogasho ku dishay Gabar ay ku eedeeyeen inay Jaajuus ahayd


Arbaco, July 23, 2014 (HOL) — Al-shabaab ayaa ku toogtay degmada Diinsoor ee gobolka Bay maanta gabar ay ku eedeeyeen inay jaajuus u ahyd ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ka socda dalka Itoobiya.

Toogashadan oo ka dhacday fagaare ku yaalla Diinsoor ayaa waxaa ku sugnaa boqolaal oo dadka deegaanka ka tirsan, waxaana saraakiishii Al-shabaab ee halkaas ku sugnaa ay magaca gabadha ku sheegeen Faadumo, balse aabbaha dhalay gabadhan ayaa diiday in gabadiishu ay ahayd jaajuusad.

"Gabadhan waxaa loosoo tababaray inay disho saraakiisha kooxda Al-shabaab ayna faafiso sirteenna, waana lagu helay dambigaas, maxamadduna waxay ku xukuntay dil toogasho ah," ayuu yiri garsoore Al-shabaab u hadlay intii aysan toogashadu dhicin.

Aabbaha dhalay gabadhan la dilay oo magaciisa ku sheegay, C/naasir Maxamed Jimcaale ayaa beeniyay eedemaha loo soo jeediyay gabadhiisa, isagoo inaysan u shaqeyn dowladda, jaajuusnimana aysan waxba ka ogeyn.

"Fartuun waxay jirtay 13-sano, ma ahayn jaajuusad waana lagu been abuurtay, gabadheyda waxay kasoo laabatay degmada Xudur iyadoo la joogtay walaasheey oo halkaas daggan, waana been inay howlo jaajuusnimo ah ku jirty," ayuu yiri C/naasir oo u warramayay VOA-da isagoo ku sugan degmada Bardaale ee gobolka Bay.

Mar la weydiiyay xilliga ay Al-shabaab gacanta u gashay ayuu sheegay inay ka kexeysteen bartamihii bishii Juun ee sannadkan gurigooda oo ku yaalla degmada Ufuroow ee gobolka Bay.

"Kooxo Al-shabaab ka tirsan ayaa gabadheyda gurigooda kala baxay, waxayna muddo bil ka badan ku hayeen Diinsoor, iyagoo maantana ku toogtay degmadaas," ayuu yiri aabbaha dhalay gabadhan la dilay.

Isagoo sharraxayay nolosha gabadhiisa ayuu sheegay in iyadoo afar sano oo keliya jirta la geeyay dalka Uganda, halkaasoo ay muddo ku dhow toban sano ku noolayd, ayna dhawaan dib ugu soo laabatay Somalia.

"Waxaa la ii sheegay in gabadheyda la toogtay, markii la toogtay ee ay nafta ka baxday kaddibna madaxa laga jaray, iyadoo dadka degmada loo sheegay inay jaajuusad ahayd, balse waxaan sheegayaa inay taasi been tahay oo aanay waxba ka jirin," ayuu yiri C/naasir oo sharraxaad ka bixinayay qaabka loo dilay gabadhiisa.

Ma ahan markii ugu horreysay oo ay Al-shabaab toogasho ku dilaan dad ay ku eedeeyeen inay jaajuusiin u yihiin dowladda Soomaaliya iyo ciidamada Midowga Afirka ee AMISOM.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya