4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 23, 2014
Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo Maanta gaaray Kismaayo (SAWIRRO)


Arbaco, July 23, 2014 (HOL) — Wafdi ka socday Qaramada Midoobay, isla markaana ay hoggaamineeysay ku xigeenka kaaliyaha xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Fatiha Saruur ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo, iyagoo kulan la qaatay madaxda ugu sarreysa maamulka Jubba.

Wafdigan ayaa waxa ay kulamo la qaateen madaxda maamulka Jubba oo uu hogaaminayay madaxweeyne kuxigeenka 1-aad Jen. C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyadoo ay kulanka qeyb ka ahaayeen xubno ka tirsan golaha wasiirada maamulka Jubba.

Kulankan oo ka dhacay xarunta Qaramada Midoobay ay ku leedahay gudaha garoonka diyaaradaha Kismaayo islamarkaana ay dibad joog ka ahayd saxaafadda ayaa markii uu soo dhamaaday waxaa si wadajir ah saxaafadda ula hadlay Madaxweeyne kuxigeenka Jubba iyo Fatiha Saruur.

Madaxweyne ku-xigeenka oo ugu horeyn goobta ka hadlay ayaa sheegay in wafdiga ka socday Qaramada Midoobay ay ka wada hadleena rimo ay kamid yihiin arimaha nabadgelyada, dib-uheshiisiinta, dhaqaalaha iyo weliba arimaha bulshada, qodobadaas oo uu xusay in dhamaantood ay isku afgarteen.

Madaxweynaha ayaa sheegay in labada dhinac ay isla qaateen in la qabto wejigii labaad ee shirkii dib u heshiisiinta 21-ka bisha September ee fooda nagu soo heeyso, isagoo sheegay in arintaasi ay ahayd mid shacabka ku dhaqan deegaanada Jubooyinka ay ka dhursugayeen.

Ku-xigeenka kaaliyaha xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Mr. Fatiha Saruur oo iyana goobta ka hadashaya ayaa sheegtay in ay ku faraxsantahay in madaxda maamulka Jubba ay isku afgarteen dhamaan qodobadii ay ka wada haleen, oo ay xustay in ay ugu muhiimsanayd arinta dib u heshiisiinta, iyadoo sheegtay in 21-ka bisha September la qaban doono shirkii dib u heshiisiinta Jubbooyinka.

Mudeooyinkii u dambeeyay waxaa magaalada Kismaayo soo gaarayay wufuud kala duwan oo ka socotay beesha Caalamka, kuwaasoo wada dadaallo la doonayo in deegaanada Jubooyinka looga hirgeliyo nabad iyo weliba dib u heshiisiin loo sameeyo beelaha walaalaha ah ee wada dega Jubooyinka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]  
Kismaayo, Soomaaliya