4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 23, 2014
Guri ay degenaayeen ciidanka nabad-sugidda Kismaayo oo xalay la weeraray

Arbaco, July 23, 2014 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay weerar ku qaaday guri ay daganaayeen ciidamo ka tirsan kuwa nbadsugidda maamulka Jubba, iyadoo weerarkaasi uu sababay dhaawacyo soo gaaray laba askari.

Guriga la weeraray oo ku yaaal xaafadda Guulwade ayaa waxa deganaa ciidamo ka tirsan kuwo nabadsugidda maamulka Jubba, waxaana xilligii uu weerarka dhacayay ay ahayd abaare 2:30 saqdii dhexe, oo ahayd xilli la gudo jiray salaadda tahajudka.

Kooxihii weerarka soo qaaday ayaa rasaas hubiyay guriga, waxaana ay is-rasaaseyn dhex-martay iyaga iyo ciidamadii ku sugnaa halkaasi.

Weerarkan ayaa sababay dhaawac soo gaaray laba askari oo ka tirsan ciidamada nabad-sugidda maamulka Jubba, iyadoo kooxihii weerarka soo qaaday ay goobta isaga baxsadeen.

Weerarka kadib ayaa waxa halkaasi gaaray ciidamada ammaanka maamulka Jubba, waxa ayna ka sameeyay howlgallo lagu xaqiijinayo ammaanka.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya Ciidamada nabadsugidda maamulka Jubba ayaa mudooyinkii waxa ay magaalada Kismaayo ka wadeen howlgallo ballaaran oo lagu xaqiijinayo ammaanka, iyadoo saraakiisha nabadsugiddu ay sheegeen in howlgalladoodii ay kusoo qabqabteen tiro dad ah oo looga shakisanyahay in ay ka tirsanyihiin Al-shabaab ayna ku fashiliyeen weerarro la damacsanaa in laga fuliyo gudaha magaalada.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]  
Kismaayo, Soomaaliya