4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 23, 2014
Danjirihii hore ee Turkiga u Fadhiyay Somalia oo Maanta ka dhoofay Muqdisho


Arbaco, July 23, 2014 (HOL) — Xaflad lagu sagootinayay danjirihii hore ee Turkiga u joogay Soomaaliya, Cemalettin Kani Torun ayaa lagu qabtay maanta garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, iyadoo danjiraha oo tan iyo sannadkii 2011-kii ka howlgalayay Muqdisho ayaa maanta u dhoofay dalkiisa.

Munaasabadda sagootinta ahayd ayaa waxaa ka qaybgalay wasiirka arrimaha dibadda iyo dhiirri-gelinta maalgashiga, C/raxmaan Ducaale Bayle, iyadoo sidoo kale xafladda uu goobjoog ka ahaa danjiraha ay dowladda Turkiga u soo magacowday Soomaaliya, Olgan Bekar oo horay u ahaa agaasimaha waaxda Bariga Afrika ee wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga.

Waxaa kaloo goobjoog ka ahaa munaasabadda, wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada, Siciid Jaamac Qoorsheel, xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda, Cabdullaahi Dool Mohamed iyo xubno kale oo dowladd ka tirsan.

Ugu horreyn waxaa xafladda sagootinta ah hadal ka jeediyay wasiirka arrimaha dibdda Soomaliya, Ducaale oo ammaanay kaalinta uu Turkigu ka qaatay arrimaha Soomaaliya tan iyo markii howlgalkooda ka billaabeen Muqdisho.

"Soomaalida oo dhan waxay xusuusataa maalintii ra’iisul wasaaraha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan uu yimid Muqdisho 19-kii August, 2011, sida uu ahaa xaalka caasimadda iyo waxa iska bedelay, waxaad ogsoon tihiin in safiiraduhu ay kusoo qulqulayaan dalka, ganacsigana uu kobcay, ammaankana uu kasoo raynayo sidii hore, ayuu Bayle ku sheegay hadal uu ka jeediyay munaasabadda sagootinga ahayd.

Danjirihii hore ee Turkiga u joogay Soomaaliya, Kani Torun ayaa isna sheegay in Muqdisho ay tahay gurigiisii labaad, waqtiyo adagna uu la soo qaatay dadka Soomaaliyeed.

Xukuumadda Turkiga waxay sii wadi doontaa iskaashiga iyo danaha wadaagga ah ee kala dhaxeeya Soomaaliya, waxaan xoojin doonnaa mashaariicda horumarinta iyo taageerada aan siinno Soomaaliya, ayuu hadalkiisa ku yiri Torun. Isagoo ammaanay is-bedelka ku yimid hannaanka nabadgelyada Muqdisho, isagoo xusay in xaaladdu ay sidii hore ka wanaagsan tahay.

Gabagabadii munaasabadda, Bayle iyo Qorsheel oo ay wehlinayeen safiirkii hore iyo safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Turkey ee Somalia ayaa waxay booqdeen dhismaha cusub ee ka soconaya garoonka diyaaradaha Muqdisho oo shirkad Turkey ah ay fulineyso.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya