4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 23, 2014
Maraakiib ay lahayd dowladda Somalia oo loo xukumay ganacsade Yemeni ah


Arbaco, July 23, 2014 (HOL) — Maxkamad ku taalla magaalada Cadan ee dalka Yemen ayaa si rasmi ah ugu wareejisey ganacsade Yemeni ah saddex markab oo ay Soomaaliya lahayd, kuwaasoo muddo ay socotay dacwaddooda.

Ganacsadaha Yemeniga ah ayaa maraakiibtan ku yeeshay lacag deyn ah oo gaaraysa laba milyan oo doollarka Maryeknka, iyadoo haatan si rasmi ah loogu xukumay inuu maraakiibtaas la wareego.

Saddexda markab oo lagu kala magacaabo; Faarax Oomaar, Cismaan Geedi Raage iyo 21-ka Octoobar III, ayaa haatan waxaa milkiyadoo ay si toos ah ugu wareegtay gancsadahan Yemeniga ah, iyagoo ka baxay gacanta dowladda Soomaaliya.

"Maadaama aan halkan u joogno difaacidda hantida Qaranka Soomaaliyeed, waxaan xil weyn iska saarnay in go'aanka maxkamadda soo saartay ee ah in maraakiibta la iibiyo laguna wareejiyo ganacsadaha deynta ku sheeganayay aan horjoogsanno, waxaana ka qaadannay xukun ay maxkamaddu horay u soo saartay abiil, waxaana arrinta ku wargelinnay dowladda Soomaaliya balse laguma guuleysan in wax laga qabto arrintan," ayuu yiri qunsulka Soomaaliya ee Cadan, Axmed Xasan Cabdi (Axmed Suudaani) oo u warramayay VOA-da.

Qunsulka ayaa intaas ku daray in lagu wargeliyay in qunsuliyadda ay siiyeen muddo lix bilood ah oo ay go'aan kaga gaarto arrintan, balse aysan jirin wax lasoo kordhiyay aysan jirin, sidaa daraadeedna ay ku qasban yihiin inay fuliyaan go'aanka maxkamadda.

"Iyagoo go'aanka maxkamadda ka duulaya ayay shaqaalihii saddexdan markab saarnaa ka dajiyeen, waxayna isugu geeyeen markab kale oo soo haray oo lagu magacaabo 21-ka Oktoobar I. waxaana rajeynaynaa in dowladda Soomaaliya ay tallaabo ku habboon arrintan qaadan doonto si lagu badbaadiyo maraakiibtan, maadaama ay yihiin hanti ay Soomaaliya leedahay," ayuu qunsulku hadalkiisa ku daray.

Dacwadda loogu xukumay maraakiibta ganacsadaha reer Yemen ayaa soo jiitamaysay muddo toddoba sano ah, iyadoo mas'uuliyiin dowladihii dalka soo maray ka tirsanaa ay dhowr jeer arrintan u tageen Yemen, balse ay ku guul-darreysteen inay wax ka qabtaan.

Maraakiibtaan oo dalka Yemen la geeyay sannadkii 1991-kii markaas oo Soomaaliya ay ka dillaaceen dagaallada sokeeye lana riday dowladdii milateriga ahayd, ayaa waxaa la sheegaya in lacagta daynta ah ee lagu sheeganayo ay gashay intii ay Yemen ka shaqeynayeen sannadihii sagaaashamaadkii.

Soomaali badan ayaa rumeysan in lacagaha lagu sheegtay saddexdan markab ee gaaraysa labada milyan ee doollar ay intooda badna yihiin kuwo la been abuuray, sidoo kalena uusan arrintan weli ka hadlin Siciid Muunye oo maraakiibtan gacanta ku hayay sannado fara badan, kaas oo dalka Yemen ka maqnaa tan iyo markii ay dacwaddu billaabatay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya