4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 23, 2014
Iska-horimaadyo ka dhacay Degmada Huriwaa iyo Askar Toogasho lagu dilay

Arbaco, July 23, 2014 (HOL) — Iska-horimaad inta la ogyahay ay ku dhinteen saddex qof oo dhinacyadii dagaalamay ka mid ah ayna ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan ayaa xalay ka dhacay xaafado ka tirsan degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir.

Kooxo hubeysan ayaa sidoo kale xalay si gooni-gooni ah ugu dilay degmada Hodan laba askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Somalia, iyadoo uu ku dhaawacmay qof rayid ah.

Dagaallo u dhexeeyay ciidamda dowladda iyo kuwa Al-shabaab oo ahaa kuwo goos-goos ah ayaa waxay ka kala dhaceen, xaafadda SOS, xaafadda Suuqa Xoolaha iyo isgoyska ex-koontarool Balcad, iyadoo la weeraray saldhigyo ay ciidmada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku lahaayeen goobahaas.

Goobjoogayaal ku sugan xaafadda xaafadaha ay iska-horimaadyadu ka dhaceen ayaa sheegay inay dagaalladu ahaayeen kuwo muddooyin kala duwan socday, ayna dhinacyadu isku adeegsadeen hub kala duwan.

"Iska-horimaadyadu waxay ahaayeen kuwo xilliyo kala duwan dhacay, waxaana xoogag Al-shabaab ka tirsan ay weerareen sldhigyo ay halkaa ku leeyihiin ciidamada dowladda, inta la arkay dhimashadu waa saddex ruux oo dhinacyadii dagaalku u dhexeeyay ka tirsan," ayuu yiri goob-joog sababo ammaan magaciisa u qariyay.

Sidoo kale, goobjoogaha ayaa sheegay in dagaallada kaddib ay askar ka tirsan ciidamada dowladda soo gaareen xaafadahaas ayna baaritaan ka sameeyeen, inkastoo kooxihii weerarka soo qaaday ay baxsadeen markiiba.

Dhanka kale, goobjoogayaal ayaa iyaguna sheegay in laba askari oo ka tirsan ciidamada dowladda xalay lagu dilay xaafadaha Say-biyaano oo ka tirsan degmada Hodan iyo Beerta Jaadka, iyadoo qof rayid ah uu ku dhaawacmay rasaastii lagu dilay mid ka mid ah askartan.

Kooxaha dilalka askartan geystay oo ku hubeysnaa bastoolado ayaa ka baxsaday goobta, iyadoo aysan weli saraakiisha ammaanka dowladdu ka hadlin dilalka xalay loo geystay askartan iyo iska-horimaadyada ka dhacay degmada Huriwaa.

Al-shabaab ayaa tan iyo markii ay billaabatay bishan Ramadaan waxay xoojiyeen weerarrada iyo dilalka qorsheysan ee ay caasimadda Somalia ka geysnayaan, iyagoo tan iyo markii ay bishan bilaabatay ku dilay Muqdisiho in ka badan 50-askari.

Ugu dambeyn, ciidamada nabadsugidda dowladda ayaa xalay howlgal baaritaan ah ka sameeyay degmada Wardhiigley ee gobolka Banaadir, kuwaasoo lagu qabqabtay tiro dhallinyaro ah oo lagu tuhmayo inay xiriir la leeyihiin Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya