3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 5 , 2014
Shuruudaha laga rabo Murashaxiinta u taagan xilalka Madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo la shaaciyey

Axad, Janaayo 05, 2014 (HOL) —Baarlamaanka Puntland oo maanta fadhigoodii ugu horreeyey isugu yimid kaddib markii ay shalay doorteen guddoonka sare ee Golaha, ayaa maanta ansixiyey hab-raaca guddiga xildhibaanada ah ee maamuli doona doorashada madaxtinimada.

Guddoomiyaha guddiga doorashada madaxtinimada ee Puntland Xildhibaan Saadiq Abshir Garaad oo waxyar kadib markii uu baarlamaanku ansixiyey hab-raaca ay ku shaqeyn doonaan warbaahinta la hadlay, ayaa soo bandhigay shuruudaha laga rabo murashaxiinta u tartamaya xilalka madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka.

Shuruudaha murashaxiinta lagu xiray waxaa ugu mihiimsanaa:

  • Inuu yahay muwaadin u dhashay Puntland, Muslim ah islmarkaana aan qabin haweeney ajnebi ah.
  • In murashaxa madaxweynuhu uu bixyo khidmad dhan $10,000 (toban kun oo doolar) murashaxa xilka madaxweyne ku-xigeenkuna uu bixiyo $5,000 (Shan kun oo doolar).
  • In shantii sano ee ugu dambeysey hantidiisa khaaska ah aanay maxkamadi xannibin islamarkaan aan lagu helin khiyaamo qaran.
  • Inuu leeyahay aqoon iyo waayo aragnimo hoggaamineed.
  • In da'diisu aanay ka yarayn 40 sano.
  • Murashaxiintu waxay ka imaan karaan baarlamaanka dhexdiisa iyo dadweynaha caadiga ah.

Guddoomiyaha guddiga doorashada madaxtinimada ee Puntland Xildhibaan Saadiq Abshir Garaad, ayaa dhinaca kale sheegay in qabashada araajida murashaxiintu ay bilaabmeyso galabta ayna ku egtahay 6-da bisha.

Howsha guddiga doorashada -oo ka kooban 6 xildhibaan- waxay tahay maamulka doorashada, tirinta codadka, soo gudbinta natiijada doorashada iyo qabashada khidmadda laga qaadayo murashaxiinta u tartamaya xilalka madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka.

Baarlamaanka Puntland oo ka kooban 66 mudane, iyaga ayaa soo dooran doona madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka Puntland, wuxayna shalay doorteen guddoonka sare ee baarlamaanka.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Garoowe, Soomaaliya












Click here
1/5/2014 12:35 PM EST
Axad, Janaayo 05, 2014 (HOL) — Murashax Yaasiin Faarax Cartan oo kamid ahaa murashaxiinta u taagan xilka madaxweynaha Puntland ayaa goor dhow ku dhawaaqay in uu qaadacay islamarkaana aanu ka qayb geli doonin tartanka doorashada.

1/5/2014 11:49 AM EST
Axad, Janaayo 05, 2014 (HOL) — Murashax C/laahi Siciid Samatar oo kamid ah murashaxiinta u taagan xilka madaxweynaha ee maamulka Puntland ayaa hambalyo u diray guddoonka cusub ee baarlamaanka Puntland ee shalay magaalada Garoowe lagu doortay.

1/5/2014 11:07 AM EST
Axad, Janaayo 05, 2014 (HOL) — Maxkamadda sare ee Puntland ayaa dacwad kusoo oogtey labo mudane oo ka tirsan Baarlamaanka Puntland. Xildhibaanadan oo lagu kala magacaabo Burhaan Adaan AW-Cabdi iyo Maxamad Faarax Nuux waxaa dacwad ka dhan ah soo gudbisey beesha ay kasoo jeedaan.

1/5/2014 10:52 AM EST
Axad, Janaayo 05, 2014 (HOL) — Xaflad lagu taageerayay ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, Cabdiweli Shiikh Axmed oo ay ka qayb galeen shacab aad aad u fara badan ayaa lagu qabtay Minneapolis Convention Center ee magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota.

1/5/2014 10:45 AM EST
Axad, Janaayo 05, 2014 (HOL) — Waxaa rasmi ah uga billowday magaalada Jig-jiga oo ah xarunta Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ololaha talaalka dabeysha caruurta da'doodu ka hoosayso 15-ka sano ,waxaana talaalka la wada gaarsiinayaa dhamaan gobollada iyo degmooyinka ismaamulka Soomaalida Itoobiya uu ka koobanyahay.

1/5/2014 8:38 AM EST
Axad, Janaayo 05, 2014 (HOL) — Sannadihii burburka odayada dhaqanka & nabadoonada beelaha Soomaaliyeed waxay ahaayeen qeyb muhiim ah oo aan looga maarmin xalinta khilaafaadka, dib-u-hishiisiinta iyo joojinta colaadaha gaar ahaan dagaallada ku saleysan qabiilka, waana tan keentay in beel walba oo Soomaaliyeed yeellato nabadoon ka xigsada xaajo walba oo la soo darista beesha uu hadba odaygga u yahay isaga oo xiriir toos ah la yeellanaya duubabka la midka ah ee beellaha kale.

1/5/2014 7:00 AM EST
Axad, Janaayo 05, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa soo dhaweeyay doorashadii guddoonka baarlamaanka Puntland ee shalay lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

1/5/2014 6:26 AM EST
Axad, Janaayo 05, 2014 (HOL) —Xafiiska siyaasadda ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya qaybtiisa Puntland ayaa maanta deeq ka kooban 600 oo ah diriiska ciidamada wuxuu ku wareejiyey guddiga ammaanka Puntland xilliga doorashada.

1/5/2014 1:58 AM EST
Axad, Janaayo 05, 2014 (HOL) — Saddex askari oo ka tirsan ciidanka dowladda Somalia ayaa lagu xukumay dil toogasho, kaddib markii lagu helay inay dileen askar iyo dad shacab ah, sida uu sheegay guddoomiyaha maxkamadda ciidanka qalabka sida ee dowladda Soomaaliya faraceed gobollada Bay iyo Bakool, Sheekh Xuseen Maxamed Mursal.

1/5/2014 1:14 AM EST
Axad, Janaayo 05, 2014 (HOL) — Bakhaar ay hay’adda MSF ku kaydsan jirtay qalabka caafimaadka iyo dawooyinka ayaa waxaa baabi’iyay dad ka kacay shalay gellinkii dambe, sida uu sheegay sarkaal u hadlay hay’adda.