4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 5 , 2014
Rugta Ganacsiga Jubooyinka oo Xafiis ka furatay Kismaayo+SAWIRRO


Arbaco, Feberaayo 05, 2014 (HOL) — Munaasibad lagu furayay xafiiska cusub ee rugta ganacsiga Jubooyinka islamarkaana masuuliyiinta rugta ay kusoo bandhigayeen hiigsigooda waxqabad ee sanada 2014 ayaa ka dhacday xafiiska cusub ee rugtaasi ku yeelatay magaalada Kismaayo, iyadoona munaasibadaasi ay kazoo qeybgaleen xubno ka tirsna golaha wasiirada maamulka Jubba, Odoyaasha dhaqanka, Ganacsato, Haween, ururrada bulshada rayidka iyo guud ahaanba qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Degmada Kismaayo.

Guddoomiyaha rugta ganacsiga Jubooyinka Shaafi Raabbi Kaahin oo ugu horeyn goobta ka hadlay ayaa sheegay in runta ganacsiga ee Jubooyinka ay magaalada Kismaayo ka hirgelisay barnaamijyo badan, wuxuuna xusay in sanadkan ay qorsheynayaan in magaalada ay ka hirgeliyaan Leerar ku shaqeyn doona cadceedda, kuwaasoo uu xusay in ay gelin doonaan dhamaan wadooyinka waaweyn ee mara magaalada Kismaayo, 10 warshadood iyo Bangi dhexe.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha maamulka Jubba Axmed Cabdi Xafiid Max’ed oo isna madashada ka hadlay ayaa amaan u jeediyay rugta ganacsiga ee JCCI, isagoo sidoo kale ku booriyay in ay laba jibaaraan waxqabadkooda.

Guddoomiyaha dallada waxbarashada Jubooyinka Axmed Faarax Cali Awees oo kamid ahaa masuuliyiintii ka hadashay madasha ayaa isna dhankiisa mahadcelin u jeediyay rungta ganacsiga Jubooyinka, isaguoo ugu baaqay in ay gacan ka geystaan dhanka waxbarashada islamarkaana ay kala shaqeeyaan dhanka tayeynta waxbarashada gobolka.

Rugta ganacsiga iyo warshada ee Jubooyinka (JCCI) ayaa qeyb weyn ka qaadatay dhismihii maamulka Jubba, iyadoona masuuliyiinta rugtani ay shaaca ka qaadeen in qorshahooda sanadda 2014 – 2015 uu yahay mid ay doonayaan in ay ku hormariyaan dhinacyada, dhismaha, wadooyinka iyo waxbarashada deegaanada Jubooyinka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya