4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 5 , 2014
CABDIWELI GAAS: "Waa Muhiim in la saxo Wixii Horay u Qaldamay"

Arbaco, Feberaayo 05, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas, ayaa sheegay in xoojinta midnimada dadka reer Puntland ay tahay yoolka koowaad ee xukuumaddiisa, maadaama sida uu madaxweynuhu tilmaamay horumarka Puntland uu ku xiran yahay in la helo wadajirka dadkii Puntland wada dhistay.

Madaxweynaha ayaa warkan sheegay mar uu shalay khudbad kahor jeedinayey xarunta golaha wakiillada, waqtigaas  oo  ay xildhibaannada baarlammaanku  codka kalsoonida u qaadayeen xukuumadda cusub ee uu dhowaanta soo magacaabay oo ka kooban 47 xubnood oo isugu jira wasiirro, wasiir ku-xigeenno iyo weliba wasiru dowleyaal, afar xubnood oo kamid ahina ay dumar yihiin.

Shirweyne ballaaran oo ay kasoo qayb geli doonaan dhammaan qaybaha bulshada ayuu Madaxweyne Gaas sheegay in la qaban doono, shirkaas oo ujeedada laga leeyahay uu tilmaamay inay tahay sidii loo turxaan bixin lahaa mad-madowga soo kala dhex galay bulshada loona xoojin lahaa midnimada dadka reer Puntland.

"waxaa muhiim ah inaan ka shaqeyno sidii aan isugu soo celin lahayn dadkii wada dhistay Puntland...waxaa lagama maarmaan inaan qabanno shirweyne lagu saxayo wixii khaldamay" C/weli Gaas ayaa yiri.

Soo celinta gobollada Puntland ka maqan mar uu ka hadlayey, wuxuu Madaxweynaha Puntland sheegay in ay tahay waajib muqaddas ah in lasoo celiyo gobollada Puntland ee xilligan uu maamulka Somaliland ka arrimiyo iyada oo loo marayo hab walba oo suurtagal ah.

Waxyaabaha kale ee C/weli Maxamed Cali uu sheegay in xukuumaddiisu ay sida weyn wax uga qaban doonto waxaa kamid ahaa: kobcinta dhaqaalaha; tayeynta iyo dayactirka kaabeyaasha dhaqaalaha; sugidda ammaanka iyo dhismaha ciidamada.

Baarlammaanka Puntland ayaa shalay cod aqlabiyad leh kumeel mariyey xukuumadda cusub ee Madaxweyne Gaas oo ka kooban 47 xubnood, islamarkaana ay ku jiraan qaar badan ka mid ah murashaxiintii ka qayb galay doorashadii madaxtinimada Puntland ee dhacay Janaayo 8, 2014.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya