4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 5 , 2014
Ururka Al-shabaab oo sheegtay Mas'uuliyadda Duqeymihii Muqdisho

Arbaco, Feberaayo 05, 2014 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay in ay ka dambeysy duqeymihii Muqdisho ayna sii wadi doonaan, iyagoo intaa ku daray inay ku muujinayeen awood-xumada haysata dowladda Somalia.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ee Al-shabaab, Sh. Cali Maxmed Xuseen oo la hadlay warbaahinta Al-shabaab ayaa sheegay in duqeymahan ay sii wadi doonaan lana joojo xilligii ay soo afjari lahaayeen dagaallada ay dowladda kula jiraan.

“Duqeymahan waa sida ay u billowdeen waana sii wadaynaa, waxaana lagu jiraa xilligii lasoo afjari lahaa dagaallada ay kula jiraan dowladda, maadaama caasimaddii dalka lagu hoyan la’yahay,” ayuu yiri Sheekh Cali Maxamed.

Sidoo kale, mas’uulkan ayaa wuxuu sheegay inaysan suurogal u noqon karin ciidamada dowladda inay aadaan gobollo kale, iyadoo magaalada Muqdisho ay har iyo habeen ku dhacayaan madaafiic.

“Waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqaynaa inay u diyaar garoobaan marxalad la mid ah kuwii lasoo maray sannadihii 2008 illaa 2009, waxaana ballanqaadaynaa in Muqdisho aysan ku harsan doonin madaxda dowladda iyo kuwa gacanta siinaya,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Dhanka kale, wasiirka amniga Qaranka xukuumadda Soomaaliya, C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in duqeymihii labadii habeen ee lasoo dhaafay ka dhacay Muqdisho ay yihiin kuwo shacabka lagu qalqal-gelinayo.

“Qof walba oo ku lug yeesha duqeymahan sharciga ayaan la tiigsan doonaa, ha noqdo mas’uul ama yuusan noqon,” ayuu hadalkiisa ku daray Guuleed oo sheegay inay ku dadaalayaan inaysan mar dambe Muqdisho ka dhicin falal noocan oo kale ah.

Hadalladan ayaa waxay imaanayaa xilli habeennadii lasoo dhaafay Muqdisho ay kusoo dhacayeen madaafiic culus, kuwaasoo aan la ogeyn weli khasaaraha nafeed ee ay geysteen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya