4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 23, 2014
SAYLICI oo ka Hadlay Suldaan ku Goodiyay in uu Dagaal la galayo Somaliland


Talaado, December 23, 2014 (HOL) — Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, C/raxmaan C/llaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa sheegay in Suldaan Abuubakar Cilmi Wabar uu waddanka qiyaameynayo mar hadduu ka hor-yimid wixii ay ku heshiisay Somaliland, isla markaana sharciga la hor geyni doono.

Sidoo kale, madaxweyne ku xigeenku waxa uu sheegay in xaaladda gobolka Awdal degan tahay, isla markaana madax dhaqameedka iyo shacabkuba aanay la aragti ahayn suldaan-kaas.

“Gobolka Awdal waxaa runtii ku soo kordhay arin aan laga filayn, laba arimood oo Runtii aan laga filayn dhaqanka reer Awdal-na ku cusub ayaa meeshaas ka soo baxay, waa mide Awdal iyadoo Burburkii Somalia dhiigu yaalo oo dadkii Siyaasadda iyo Burburkii Somalia kala dilay ay ahayd tii Go’aankii ugu adkaa qaadatay ee ah Nabada, dabadeedna ah Gobol dhismay oo Nabadii ku horumaray, in la yidhaahdo Jabhad baa ka bilaamaysa Awdal waxay noqotay arin aan laga filayn Awdal Runtii”ayuu yidhi madaxweyne ku xigeenka oo dhawr cisho ka hor ka soo laabtay gobolka Awdal ka dib markii uu kulamo la qaatay madax dhaqameedka iyo masuuliyiinta gobolkaasi.

Waxaanu intaas ku daray. “Waxaa kale oo jirta Mucjiso labaad noqotay oo aan dhaqanka Soomaaliyeed ama reer Somaliland aan looga baran, taasoo ah in Suldaan Qori qaato oo Jabhad ku dhawaaqo. Waxa inta badan Qori iyo Colaad ku baaqaa waa Nin Siyaasi ah, oo mar walba Mansab iyo wax noocaas ah raadinaya laakiin, Suldaanku wuxuu ka taliyaa Nabada iyo isku soo dhawaanshaha dadka”

“Ninkaas wuxuu ka baxay heshiiskii ummadda Somaliland ku heshiisay ee ahaa ciddii ka baxda in dadka Somaliland meel uga soo wada jeedsato oo gacanta la wada saaro, markaa waxaanu Ninkaas iyo wixii la socdaba u aqoonsanay Qaran dumis ah, waxaanu noogu astaysan yahay Nin qaa’inul waddan ah” ayuu hadalkiisa raaciyey.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa xisbiyadda mucaaradka ku dhaliilay qaabka ay uga had-layaan arrintan, isla markaana usoo jeediyey in meel walba wax ka dayin, waxaanu yidhi. “Xisbiyada Mucaaradka ahi aad bay u khaldan yihiin Runtii, Inay meel walba wax ka dayaan maaha,Ninku markuu tartamayo inuu wax kale ku tartamo ayaa wanaagsan, ee Hawsha amniga waxaa loo igmaday Xukumadda hadba joogta, Ciidamada qarankana waxaa loo samaystaa laba arimood,mid waa inay ka difaacaan dalka Duulaan dibada ka yimaada, midna waa inay Gudaha ka ilaaliyaan meel kasta oo dhibaato ka imanayso”.

Dhinaca kale, madax-dhaqameedka gobolka Awdal ayaa iyaguna sheegay in waan waantii ay isku dayeen inay sameeyaan waxba ka socon wayday, isla markaana sheegay in hadalka suldaankaasi ka soo yeedhay isaga ku kooban tahay ee aanay la qabin.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland