4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 23, 2014
Wiil Somali-American ah oo u dagaalamayay kooxda ISIS oo lagu dilay Siiriya


Talaado, December 23, 2014 (HOL) — Wiil Somali-American ah oo ka mid ahaa dagaal-yahannada kooxda Islaamiga ah ee Daacish ayaa la sheegay in lagu dilay dalka Suuriya, kaasoo magaciisa lagu sheegay Maxamed C/llaahi Xasan.

Saxaafadda caalamka ayaa baahiyay in la aamisan yahay in wiilkan Soomaali-American-ka ah uu ku noolaa magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota oo ah gobolka ay ku nool yihiin Soomaalida ugu badan ee deggen waddanka Mareykanka.

Xasan ayaa la sheegay in lagu dilay dagaal ay kooxda ISIS doonaysay inay kula wareegto magaalo ka tirsan Suuriya laguna magacaabo Kobani. Iyadoo warbahinta qaar ka mid ah ay magaca wiilkan ku sheegtay Maxamed Miski iyo Abuu-Yuusuf.

Wararka ayaa intaas ku daraya Soomaali-Mareykankan lagu dilay Suuriya uu horay uga mid ahaa dagaalyahannada Xarakada Al-shabaab ee Somalia, sida lagu sheegay qoraal barta Face-book-ga laga soo geliyay dalka Ciraaq.

Sidoo kale, ayaa la sheegay inuu ka baxay iskuul lagu magacaabo Roosevelt High School oo ku yaalla Seattle, Washington oo uu dhiganayay illaa 17-jirkiisii, balse uu u dhoofay Soomaaliya kuna biiray Al-shabaab.

Dhanka kale, wargeyska New York Times ayaa qoray in Maxamed uu 03-dii Ogoosto ee sannadkii 2008 uu ka tagay magaalada Minneapolis uuna aaday Soomaaliya, markaasoo ahayd markii ugu horreysay oo uu ku biiray kooxda Al-shabaab.

29-kii Jannaayo 2014-ka ayuu Maxamed C/llaahi ku qoray bar uu ku leeyahay Twitter-ka. “Wadnahaygu wuxuu yaallaa Shaam…Indhahayguna waxay eegayaan Masjidul Aqsa… Nateyduna waxay jirtaa Soomaaliya.”

Ugu dambeyn, barta Twitter-ka ee Maxamed C/llaahi Xasan waxaa si rasmi ah u xiray shirkadda boggan iska leh. “Waxaa la iga xiray bartayda Twitter-ka 12-jeer, laakiin weli waan isticmaalayaa… taasina waxay caddeyn arrin sababteeda kuuma sheegi karo.”

Ma ahan markii ugu horreysay oo la sheego in dhallinyaro Somali-American ah lagu dilay dalalka Ciraaq iyo Suuriya, xilli ay u dagaalamayeen Daacish oo ah koox Islaami ah oo uu hadafkeedu yahay inay dalalkaas ka hirgeliso dowlad Islaami ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya