4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 23, 2014
CORD oo Dacwad ka Dhan ah Sharciga Amniga u Gudbiyay Maxkamadda Sare


Talaado, December 23, 2014 (HOL) — Isbahaysiga mucaaradka ah ee Kenya CORD ayaa maxkamadda sare ee Kenya u gudbiyay dacwad dhan ka ah sharciga cusub ee dib u habey-nta amniga Kenya oo madaxweynaha dakaas uu toddobaadkii hore saxiixay.

Mucaaradka ayaa ku doodaya in sharcigan liddi ku yahay shacabka Kenya isla markaana uu ka xayuubinayo xuquuqaadkii aasaasiga ahaa oo dhan, iyagoo ku doodaya in sharcigan gabi ahaantiis la baabi’iyo.

Hay'adaha u dooda xuquuqda aadanaha iyo mucaaradka ayaa sheegay inuu yahay mid aan waafaqsanayn dastuurka dalka Kenya, uuna baabi’inayo xuquuqaadkii uu dastuurka cusub ee la ansixiyay sannadkii 2010-kii siiyo shacabka dalkaas ku nool.

Mucaaradka ayaa doonaya in madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta iyo baarlamaankaba lagu qasbo inay sharcigan ka laabtaan oo ay gacmahood ugu baabi’iyaan mar kale.

Sidoo kale, mucaaradka ayaa ka dhawaajiyay inay taageerayaashooda ugu baaqi doonaan inay dhigaan dibadbaxyo ay uga soo horjeedaan sharcigan ay sida aadka ah u dhaliilsan yihiin, haddii ay waayaan waddooyin kale oo ay ku joojiyaan dhaqan-gelintiisa.

Guddoomiyaya guddiga madaxa-bannaan ee dhaqan-gelinta dastuurka Kenya, Charles Nyachae ayaa horey u sheegay in sharcigan uu yahay mid aan waafqsanayn dastuurka dalkaas.

Hoggaamiyeyaasha isbahaysiga CORD ayaa ku sugnaa maxkamadda markii ay maanta u gudbinayeen dacwadda, iyagoo mar ay warbaahinta la hadleen ay sheegeen inaysan ogolaan karin in sharcigan uu Kenya ka dhaqan-galo.

Si kastaba ha ahaatee, sharcigan ayay ku tilmaameen mid dano gaar ah uu ka leeyahay madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, iyagoo sidoo kalena ku baaqay in tani ay horseedayso dhibaatooyin mar kale ka dhaca Kenya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya