4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 23, 2014
Dabley Kismaayo ku Dhaawacday Mas’uul ka Tirsan Maamulka KMG-ka Jubba


Talaado, December 23, 2014 (HOL) — Kooxo hubeysan oo aan hayb ahaan la garan ayaa magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ku dhaawacay maanta, Yaasiin Nuur Gaas (Raadaar) oo ka ah mas’uuliyiinta sare ee maamulka KMG-ka ah ee Jubba.

Dableyda ayaa la sheegay inay mas’uulkan ku weerareen hotel uu degmada ka deggenaa, xilli aysan la joojin ilaaladiisa gaarka ah, waxayna ku fureen rasaas aad u fara badan, taasoo keentay in isaga iyo laba ruux oo kale lagu dhaawaco goobta.

“Yaasiin Raadaar oo mas’uuliinta maamulka ka tirsanaa iyo laba oday oo ka mid ahaa kuwii ka qaybgalay  shirkii Kismaayo oo hoteelka deggenaa ayaa dhaawacyo loo geystay. Yaasiin Raadaar waxaa loo qaaday Nairobi si loogu soo daweeyo,” ayuu yiri ruux goobjooge ahaa xilliga uu falku dhacayay.

Ma jiro illaa hadda war kasoo baxay maamulka KMG ee Jubba oo ku saabsan dhaawaca loo geystay mas’uulkan, iyadoo mas’uuliyadda weerarkan aysan jirin cid weli sheegatay.

Waa markii labaad oo dhaawac loo geystay Yaasiin Raadaar oo xilligii hore ahaa guddoomiye ku xigeenka degmada Kismaayo, iyadoo la xusuusto inuu horay ugu dhaawacmay qarax lagula beegsaday Kismaayo, iyadoo lagu soo daweeyay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Si kastaba ha ahaatee, wararka ayaa sheegaya in dhaawaca mas’uulkan uu yahay mid daran, iyadoo aan illaa hadda la ogeyn xaaladdiisa, kaddib markii loo qaaday magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya si loogu soo daweeyo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya