4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 23, 2014
Askar ka Tirsanaa Ciidamada Booliiska Kenya oo lagu dilay Magaalada Wajeer

Talaado, December 23, 2014 (HOL) — Ragga hubeysan oo heybtooda aan la garaneynin, ayaa labo Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Bilayska keydka ee Kenya, waxey ku dileen magaalada Wajeer ee gobalka Waqooyi bari kenya habeenimadii Isniintii ee lasoo dhaafay.

Ciidamada Bilayska Wajeer, ayaa ku tilmaamay dableydii weerarka  soo qaaday iney ahaayeen Burcad xado qoryaha iyo agabka kale ee Ciidamada Keydku ay leeyihiin.

Falka dilka ah, ayaa sidoo kale wuxuu ka dhacay agagaarka Isbitaal si gaar ah loo leeyahay oo ku yaallo bartamaha magaalada Wajeer xili Ciidamada la dilay ay waardiyo ka hayeen xaruntaas caafimaad.

Sida ay sheegeen Boolisku; mid ka mid ah askartaas ayaa isla markiiba goobta ku geeriyooday, halka mid ka kalana uu saacado kadib u geeriyooday dhaawac soo gaaray xili lagu daaweynaayay Isbitaalka magaalada Wajeer.

Dableyda dilka geystay ayaa wararku waxey sheegayaan iney ahaayeen labo nin oo hubeysnaa, ayna u jeedadoodu aheyd iney askartaas toogtaan.

Ciidammo aad u tiro badan oo ah kuwa ammaanka, ayaa saaka la geeyay goobtii uu dilkaas ka dhacay iyadoo ilaa iyo hada aynan jirin cid loo xiray dhacdadaas.

Magaalada Wajeer oo ka tirsan gobalka waqooyi bari Kenya, ayaa horay waxaa oga dhacay dilal loo geystay askar ka tirsan ciidamada kenya iyo waliba weerraro lagu qaaday goobo lagu caweeyo, kuwaasoo dhamaantood ay dowlada Kenya ku eedeysay iney ka dambeyeen Ururka Al Shabaab ee Soomaaliya ka dagaalamo.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya