4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 23, 2014
Ururka KA JOOG oo arday Somali ah kulan ugu qabtay Minnesota (SAWIRRO)


Talaado, December 23, 2014 (HOL) — Ururka KA JOOG oo kala-taliya waxbarashada iyo ka hortagga dambiyada dhallinyaradda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Maraykanka ayaa kulan u qabtay ardayda Soomaaliyeed ee degen gobolka Minnesota, gaar magaalooyinka, St Paul, Minneapolis iyo Eden Preire, kuwasoo xilligan laga caawiyo waxbarashada iyagoo ku jira barnaamij lagu magaacabo 4H oo ay iska kaashanayaan KA JOOG iyo Jaamacadda Minnesota.

Daa’uud Maxamed oo ka mid ah howlwadeennada KA JOOG ayaa HOL uga warramay ujeeddada ay maanta ardaydan isugu keeneen isagoo yiri. “Waxaan rabnaa inaaan ku xoojinno aqoontooda waxaan saaka geynay xarun lagu soo bandhigay dhaqanka Soomaalida oo ay yaallaan qalab dhaqameedka Soomaaliyeed. Waxaanu kusii daray inay u keenayaan sharci-yaqaanno Soomaaliyeed si ay ugu daydaan una higsadaan heerka ay gaareen waxbarashada, waxaana la hadli doona booliiska Soomaaliyeed ee ka howlgala Minnesota si ay uga waaniyaan khataraha xabsiyada iyo danbiyadda.”

Sidoo kale, C/malik Xasan ayaa ardayda weydiinayay wixii ay maanta ka xasuustaan qalabkii iyo wixii ay kusoo arkeen xarunta qalabka dhaqanka Soomaaliyeed; waxayna sheegayeen aqal Somali, dhiilo, lacagtii Somalia iyo sawirradii madaxwaynayashii soo maray Soomaaliya.

Gabar Soomaaliyeed oo 11 jir ah oo ku dhalatay gobolkan Minnesota ayay HOL weydiisay wixii ay kusoo aragatay maanta goobtii la geeyay waxayna ku jawaabtay. “Waxaan soo arkay agabkii ay Soomaalidii hore wax ku cuni jireen, waxay roogagga ku samaysan jireen, dharkii ay xiran jireen iyo wixii ay biyaha ku keydsan jireen.”

Dhanka kale, C/fataax Maxamed oo ah wiil dhallinyaro ah ka baxay kulliyada sharciga ee William Mitchell College of Law School oo ku yaalla St Paul ayaa la hadlay ardayda, isagoo ku dhiirri-galiyay waxbarashada, isla markaan ay weydiiyeen su’aalo la xariiri shaqadiisa, wuxuuna dhallinyaradii goobtaas ku sugnayd uu kula dardaarmay in lagu dadaalo waxbarashada, lagana fogaado wax walba oo dambi ah.

Su’aalihii ugu badnaaa ayay dhallinyaradu weydiinayeen gabar iyo wiil ka tirsanaa booliiska Miineapolis iyo St Paul oo kala ahaa Khadra Maxamed iyo Cabdiraxmaan Cali, waxayna ardayda uga wada jawaabeen su’aalihoodii oo ku saabsanaa intooda badan howsha booliiska, inta ruux ee ay qabteen, inay xabbado rideen, inay weli qabteen qof la raadinayayo iyo waxay u doorteen lanbarka 911 oo ay isticmaalaan marka cid u wacanayso.

Ardaydu waxay Khadro waydiiyeen sida ay isugu keento xirashada xijaabka iyo askarni-mada waxayna u sheegatay inaysan is-diidayn, waxay sidoo kale u sheegtay inaysan ahayn wax fudud ka mid noqoshada ciidanka booliiska ayna u baahan tahay in waxbarshada marka hore lagu dadaalo.

Ugu dambeyn, ardaydaa oo dhamaantood ahaa Soomaali ayaa waxaa la weydiiyay inta doonaysa inay ciidanka booliiska ku biiraan iyo inta doonaysa inay sharci-yaqaanno noqdaan waxaa 16 ka mid ah ay doorteen inay booliis noqdaan, halka afar ardayna ay doorteen inay noqdaan sharci-yaqaanno.

Siyaad Saciid Saalax, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota, USA