4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 23, 2014
Puntland oo Walwal ka Muujisay Qaar ka mid ah Qodobadii Heshiiskii Jabuuti


Talaado, December 23, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, C/wali Maxamed Cali Gaas oo ka hadlay heshiiskii ay Jabuuti ku gaareen madaxweynaha Soomaaliya iyo kan Somaliland ayaa sheegay in qaar ka mid ah qodobbada heshiiskaas ay Puntland ahaan ka qabaan walaac aad u xooggan.

Mudane Gaas uu soo dhaweeyay heshiiska iyo wadahadallada dhex-maray labada dhinac ayaa dhanka kale muujiyay walwalka ay ka qabaan qodobka heshiiska dhinaca hawada iyo arrinta ku saabsan masiirka.

Sidoo kale, madaxweynaha maamulka Puntland ayaa sheegay inay iyagu markii hore qayb ka ahaayeen heshiiska maamulka hawada, balse ay layaab ku noqotay in dowladda Somalia iyo Somaliland ay keligood isku koobeen arrinta ku saabsan hawada Soomaaliya.

“Qodobka ku saabsan wadaagga maamulka hawada Soomaaliya, Puntland haddaan nahay dacwad ayaan ka qabnaa, barnaamijkan hawada markiisii horeba aniga ayaa billaabay xilligii aan ahaa wasiirka qorsheynta dowladdii KMG-ka ahayd ee Soomaaliya sannadkii 2011-kii. heshiis saddex geesood ah ayuuna ahaa, kaasoo ay kuwada jireen; Puntland, dowladda federaalka iyo Somaliland, balse waxaad mooddaa in hadda ay Somalia iyo Somaliland oo keliya isku koobayaan,” ayuu yiri Gaas.

Isagoo sii hadlaya ayuuna intaas raaciyay. “Arrintan walwal weyn ayaanu ka qabnaa, waana fikir qaldan oo aan shaqeynayn, haddii magaalada Hargeysa loo wareejiyana waxaan imaanaysa xilligii ay Puntland ka baxday heshiiskan in la sheego. Muqdisho waa caasimadii Soomaaliya halkaas haloo wareejiyo ama Garoowe hala keeno ayaan ku talinaynaa.”

Dhanka kale, madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in marka laga hadlayo masiirka arrimaha Somalia aanay ku koobnaan dowladda Somalia iyo sidoo kale Somaliland, balse loo baahan yahay in Puntland-na ay qayb ka noqoto.

“Masiirka marka laga hadlayo ma jirto cid gaar ah oo Soomaaliya iska leh, Xasan Sheekh iyo Axmed Siilaanyo keligoodna kama hadli karaan, waayo masiirka dalka waa mid Soomaalida oo dhan khuseeya mana ogolaanayno in cid gaar ah ay arrintaas siday doonto iska yeesho. Puntland xuduudaheedu waxay gaarayaan Sool, Sanaag iyo Ceyn, marka waxaa loo baahan yahay in Soomaali oo dhan laga talo-geliyo arrinta masiirka,” ayuu yiri C/wali Gaas ku daray hadalkiisa.

Si kasta ha ahaatee, madaxweynaha dowladda Somalia iyo madaxweynaha Somaliland ayaa shir ay Sabtidii ku yeesheen Jabuuti waxay maalintii xigtay kasoo saareen war-murtiyeed ay iskula garteen shirkoodii, kaasoo lix qodob ka koobanaa, ayna ka mid ahaayeen labadan arrimoood ee Puntland ay ka muujisay walaaca xooggan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya