4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 23, 2014
Itoobiya oo isku diyaarinaysa sidii ay u bedeli lahayd Ciidamadii Sierra Leone


Talaado, December 23, 2014 (HOL) — Xukuumadda Itoobiya ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay ciidammo dheeraad ah u soo dirayso Soomaaliya, si ay u bedesho kuwii Sierra Leone oo Sabtidii lasoo dhaafay isaga baxay Somalia, kaddib markii amar uu kasoo baxay ururka Midowga Afrika.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalagn ayaa xusay inuu diyaar u yahay in ciidamadiisa lagu bedelo kuwii Seirra Leone ee Somalia ka baxay, balse ay sugayaan codsi arrintaas ku saabsan oo kaga yimaada Midowga Afrika.

“Haddii uu codsi nooga yimaado ururka Midowga Afrika, innagu diyaar ayaan u nahay inaan bedelno ciidamada Seirra Leone ee dhawaan Somalia isaga baxay,” ayuu yiri Desalagn oo warbaahinta kula hadlayay Addis Ababa.

Itoobiya ayaa waxaa kaga sugan Soomaaliya ciidammo tiradoodu ka badan tahay 4,000 oo askari oo qayb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, kuwaasoo ka howlgala gobollada Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, sida Bay, Bakool, Gedo, Hiiraan iyo Galguduud.

Sidoo kale, taliyihii ciidamada Sierra Leone ee Somalia ku sugnaa Alio ayaa sheegay in sababta ay uga baxayaan Soomaaliya ay tahay kaddib markii ay dalka imaan waayeen ciidammo bedela kuwii horay loo keenay, maadaama uu dalkoodu ka jiro cudurka halista ah ee Ebola.

Ciidamada Itoobiya ayaa dhowr jeer soo galay Soomaaliya, iyagoo dhowrkii jeer ee hore ahaa kuwo si madaxbannaan uga howlgalayay qaybo ka mid ah Soomaaliya, taasoo ay xukuumaddu ku sheegtay inay tahay mid ay amniga dalkeeda ku difaacayso.

Dalka Soomaaliya ayaa waxaa ku sugan 22,000 oo askari oo AMISOM ah, kuwaasoo gacan ka siiya dowladda federaalka Soomaaliya dagaalka ay kula jirto Al-shabaab, iyagoo sannadihii lasoo dhaafay ku guuleystay inay dhul badan ka qabsadaan Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya