4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 14, 2014
Haween Soomaaliyeed oo ka sheekeeyay kufsi ay u geysteen askarta AMISOM


Axad, September 14, 2014 (HOL) — Iyadoo dhawaan ay hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch soo bandhigtay warbixin ku saabsan kufsi ay askar AMISOM ka mid ah u geysteen haween Soomaaliyeed oo u raadsaday saldhigyo ay Muqdisho ku leeyihiin dawooyin iyo cunno, ayaa waxaa kufsigan sida uu u dhacay ka sheekeeyay qaar ka mid ah haweenkii xadgudubkan loo geystay.

Warbixinta HRW oo cinwaan looga dhigay [Awoodda ay noo adeegsadeen raggaas] ayaa waxaa eedeymahan lasoo jeediyay iska fogeysay AMISOM, iyadoo dowladda Soomaaliya oo si caro leh uga hadashay falalkan foosha xun ay sheegtay inay ku sameyn baaritaanno si loo xaqiijiyo.

Ayaan; waa hooyo barakac ahaan u deggen Muqdisho. Waxayna maalin maalmaha ka mid ah dawo u raadsatay saldhig ay ciiidammo ka socda dalka Burundi ku sugnaayeen si ay dawo ugu hesho cunuggeeda oo xanuunsanaa. Waxay sheegtay in turjubaanno Soomaali ah oo saldhigga ka shaqeeya uu u sheegeen inay soo laabato iyadoo aan cunug wadan si dawo loo siiyo. Markii ay soo laabatay, waxaa loo yeeray iyada iyo saddex gabdhood iyadoo la geeyay meel ay lix askari oo sugayay ku sugnaayeen.

Hooyadan ayaa sheegtay in askartu ay ku caar-caariyeen qoryo ay wateen… ayna u jiiteen dhufeyso halkaas ugu yaallay, waxayna intaas ku dartay inay garaaceen oo ay kufsadeen, mid ka mid ahna dhaawac culus loo geystay.

“Gabadhii dhaawacu gaaray ayaan gurigooda u soo qaadnay. Sadexdeennii kale innagoo lugeynayna oo wadna gabadha ayaan ka soo baxday saldhigga, wax iska daayeen gabadhu xitaa ma awoodin inay istaagto,” ayay tiri hooyadan magaceeda lagu soo gaabiyay Ayaan.

Iyadoo sii hadlaysa ayay intaas ku dartay. “Waxay nasoo siiyeen doolshe, farmaajo iyo min shan doollar, laakiin wax kale nama aysan oran, keliya waxay cunnada iyo lacagta noogu soo rideen boorsooyin yar-yar, dabadeedna way noosoo tuureen.”

Qamar oo ah gabar 15-sano jir ah ayaa iyaduna waxay tagtay xero ay askar ka tirsan kuwa Burundi ku suganaayeen si ay dawo ugu soo qaadato hooyadeed oo xanuunsan. Turjubaan ayaa ku wargeliyay inay laba askari oo xerada ka tirsan raacdo si ay dawada ay doonayso u soo siiyaan. Labadii Askari ayay raacday, waxayna ku kufsadeen qayb ka mid ah saldhigga.

“Askarigii hore wuxuu i kufsaday xijaabkeyga, kaddibna wuu ii cago-jugleeyay,” ayay tiri Qamar oo ka mid ahayd haweenkii la hadlay HRW, iyadoo sheegtay in askarigii hore uu ka tagay isagoo hadallo afla-gaaddo ah ku yiri, kii kalena uu kufsaday uuna siiyay 10 doollar.

Casiiso oo 17-jir ah kana mid ah barakacayaasha Muqdisho ayaa iyaduna u sheegtay HRW in turjubaan ay daris yihiin oo u shaqeeya AMISOM uu ku wargeliyay inuu barayo askari u dhashay dalka Uganda oo ay saaxiibbo noqonayaan, kaasoo i caawin doona haddii aan ula dhaqmo sida ninkeyga oo kale.

Markii ay tagtay saldhigga waxay aragtay afar gabdhood oo saldhigga ku sugan, mid kasta si gaar ah ayuu turjubaan ugu waday teendho gudaha saldhigga ku taallay, anigana waxaa ii yimid bay tiri turjubaankii aanu dariska ahayn.

“Turjubaanku wuxuu i baray askari Ugandyes ah oo aad u da’ weyn, waxaan turjubaanka u sheegay inaan mar labaad soo tashanayo oo aan baxayo. Turubaanku wuu iga diiday taas, wuxuuna igu qasbay inaan askariga raaco. Markii aan diiday hadallo ayuu billaabay inuu ii sheego hadallo waano ahaa, balse waan iska dhego-tiray, si aad ah ayuuna u carooday, wuxuuna ii soo celiyay tujubaanka oo ii hanjabay,” ayay tiri Casiiso. Iyadoo ugu dambeyn uu askarigu kufsaday uuna siiyay 10 doollar.

“Arrintu waxay ahayd inaan dhinto ama inaan u yeelo sida uu rabo,” ayay ku calaacashay Casiiso oo aan la sheegin xerada ay kaga jirto Muqdisho. Waxayna intaas ku dartay inuu si xun u kufsaday askariga Uganda ka socday.

La soco Berri Qaybta Labaad ee Warbixinta.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya