Danjire Ameeriko oo Mombasa ku booqday Maxaabiis Soomaali ah (SAWIRRO)


Jimco, Oktoobar 03, 2014 (HOL) — Danjiraha Somalia u fadhiya Kenya, Maxamed Cali Nuur (Ameriko) ayaa maanta ku booqday 122 qof oo maxaabiis Soomaaliyeed ah xabsi ku yaalla magaalo-xeebeedda Mombasa ee Kenya; kaasoo lagu magacaabo Shimo La Tewa.

Maxaabiistan oo dambiyo kala duwan loo haysto ayaa 107 ka mid ah waxay ku eedeysan yihiin burcad-badeenimo, kuwaasoo intooda badan xukunno ay ku dhaceen.

Ameeriko ayaa warbaahinta u sheegay in socdaalkiisa uu ahaa mid uu ugu kuur-galayay xaaladda caafimaad ee maxabiista Soomaaliyeed, iyadoo hal meel kuwada tukaday maxaabiista, isla markaana uu kala hadlay maamulka xabsiga sidii ay u heli lahaayeen maxaabiista adeeg caafimaad iyo cadaalad.

Sidoo kale, danjiruhu wuxuu tilmaamay in dowladaha Soomaaliya iyo Kenya uu u socdo wadahadal ku aaddan sidii maxaabiista Soomaaliyeed ee Kenya ku xiran ee loo heysto eedaha la xiriira burcad-badeedeenimada xukunkuna ku dhacay loogu wareejiyo dowladda Soomaaliya.

Ugu dambeyn, danjiraha ayaa Soomaalida ku xiran xabsiga Shimo La Tewa u qaybiyay dhar ay ku ciidaan, maalinta barri ah oo guud ahaan caalamka muslimka looga dabaal-dagayo Ciidul-Adxa.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya