4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 6 , 2014
Madaxweyne Xasan iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u ambabaxay Addis Ababa


Khamiis, November 06, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka u amababaxay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaasoo ay kaga qayb-gelayaan shir looga hadlayo xaaladda colaadeed ee dalka Koonfurta Suudaan.

Shirkan oo maalin socon doona ayay madaxda gobolka uga hadli doonaan xaaladda Koonfurta Suudaan, iyadoo warbixin looga dhageysan doono ergeyga IGAD u qaabilsan arrimaha Koonfurta Suudaan, kuwaasoo ka war-bixin doona xaaladihii u dambeeyay ee dalkaas.

Wafdiga madaaxweynaha ayaa waxaa ka mid ahaa xildhibaanno iyo, wasiirro iyo la taliyeyaashiisa qaar ka mid ah, waxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ka qaadday diyaarad qaas ah.

Sidoo kale, madaxtooyada ayaa xalay kulan albaabbadu u xirnaa waxaa ku yeeshay madaxweynaha, guddoomiyaha baarlamanka iyo ra’iisul wasaaraha, iyadoo la sheegay in kulanka lagu soo qaaday shirka maamulka loogu dhisi doono gobollada Koofur Galbeed ee ka socda Baydhabo.

Kulankaas kaddib ayaa waxaa iyaguna kulan gaar ah yeeshay madaxweyne Xasan Sheekh iyo guddoomiyaha baarlmaaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, kaasoo aan la ogeyn waxay uga wada-hadleen.

Si kastaba ha ahaatee, safarka madaxweynaha yo wafdigiisa ay ku aadeen Addis Ababa ayaa imaanaya iyadoo weli uu taagan yahay khilaafka isaga iyo ra’iisul wasaarihiisa u dhaxeeya, kaasoo saameyn ku yeeshay xildhibaanada baarlamaanka oo labo dhinac u kala jabay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya