4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 3 , 2014
Madaxweyne Siilaanyo oo ka qaybgalay xuska aasaaska booliska (SAWIRRO)


Isniin, November 03, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Max'ed  Max'ud Siilaanyo ayaa maanta ka qaybgallay sanad guuraddii 21-aad ee ka sooo wareegtay markii la aasaasay booliiska Somaliland oo lagu qabtay xarunta taliska guud ee Hargeysa.

Munaasabaddan ayaa waxaa kaloo ka soo qaybgalay wasiiro, taliyeyaasha ciidamadda kala duwan, wefti ka socda Itoobiya iyo marti sharaf kale duwan, sidoo kale, waxa  lagu soo bandhigay Riwaayada iyo Heeso ka turjumaya Sida ay ciidanka Boolisku amaanka u sugaan.

Hogaanka howlgelinta booliska Somaliland Maxamed Ducaale  Cali ayaa ka warbxiyey dhacdooyinkii sanadkan ka dhacay iyo sida ay u kala duwan yihiin, isagoo yidhi. “Mudane Madaxwayne Sanadkan 2014ka waxa danbi dalka ka dhacay (Sideed iyo toban kun Boqol iyo Sideed iyo Todobaatan danbi) inta beenaw Day waxa ay noqotay (Laba kun Sagaal Boqol iyo afar iyo Konton) inta heshiis laga gaadhay waxa ay noqotay(Sagaal Kun iyo Koob Iyo Afartan) inta baadhis ku jirtay waxa ay noqotay(Toban kun iyo Shan iyo labaatan) inta Maxkamada la hor geeyey waxa ay noqotay(Shan kun saddex boqol iyo sideed iyo konto) inta la xukumay(Laba kun iyo sideed iyo sodonkun) inta Xukun Suga ah waxa ay noqotay (Saddex kun laba boqol iyo sagaashan)”.

“Marka aynu eegno sanadkan wax dalka danbiyo ka dhacay iyo kii hore,sanadkii hore ee 2013ka waxa dalka ka dhacay danbiyo (koob iyo labaatan kun,Laba boqol iyo sideed iyo todobaatan)halka ay sanadkan ka tahay (Sideed iyo Toban kun  Boqol iyo sideed iyo todobaatan) waxaana ay sanadkan hoos u dhacday Saddex kun iyo boqol”ayuu raaciyey taliyaha hawlgalintu.

Taliyaha guud  ee Ciidanka booliska Sareeyo Guuto Cabdilaahi Fadal iimaan oo isna halkaasi ka hadlay ayaa hadalkiisa ku bilaabay “ Mudane madaxwayne Iyada oo sanadkasta uu ciidanka boolisk wax u kordhayaan xaga ciidan iyo xaga gadiidba,markasta heegan buuxa ugu jiraan sidii ay U sugi lahayeen amaanka Dalka somaliland, Xaalada dalkuna waa dagan yahay, intaad xilka haysayna madaxwayne waxaanu soo kordhinay qalabka ka hortaga rab-shadaha oo ciidan u gaar ah u samayna oo markasta heegan buuxa ku jira”.

Wuxuu intaas ku daray. ”Mudane Madaxwayne Sanadkan waxa dalka gaadiid kusoo kordhay 27 Gaadiid, Waxaana sanadkan ciidan boolis ah laga aas-aasay Gobolka cusub ee xaysimo,degmooyinka xudun iyo Taleex kuwaas oo ay hada ka hawl galaan  ciidankaasi oo loo dhamaystiray xuquuqdoodii Ciidan,waxaana Dalka dibadiisa tababar ciidan kusoo qaatay 254 Xubnood oo ah saraakiil iyo sarakiil xigeen iyo 400 oo askari kuwaas oo iskugu jira alif-lay iyo dablay”.

Wasiirka wasaarada Arrimaha Gudaha somaliland Cali Maxamed Waran Cade ayaa isna u hambalyeeyey ciidanka iyo xaasaskoodda.

Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo Munaasibada ka hadlay Ayaa sheegay inuu ciidank boolisku yahay Kuwa hadh iyo habeenba suga amaanka dalka waxaana uu ku amaanay Kaalinta ay dalka kaga jiraa.

“Ciidamada boolisku waa ciidanka aynu ku fadhino nabad galiyadooda,waana ciidanka ilaaliya nabad galiyada oo ah waxa ugu muhiimsan ee dal laga hir galin karo, dadku hadaanu nabad galiyo haysan iyo ciidama boolis ah oo nabad galiyada suga xasili maayo,dagina maayo”ayuu yidhi madaxweyne Siiilaanyo oo khudbad kooban ka jeediyey xuska sanad guuraddi 21aad ee ciidanka Booliska.

“Waxaan doonayaa inaanu saxno Darajadii Ciidanka lasiiyay oo cabashooyin badani ka yimaadee,waanu sixi doonaa sida ugu dhakhsaha Badan iyadana waxbaanu ka qaban doonaa”ayuu hadalkiisa raaciyey.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland