3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 3 , 2014
Xildhibaanada baarlamaanka Somalia oo Meel-mariyay laba hidise sharciyeed


Isniin, November 03, 2014 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Somalia ayaa maanta ansixiyay laba hindise-sharciyeed oo midkood uu ahaa xisaab-xirka miisaaniyaddii 2013-ka iyo heshiis dhinaca milateriga ah oo ay wada-galeen Soomaaliya iyo Talyaaniga.

Kulanka oo uu shir-guddoominayay guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Sh. Cismaan (Jawaari) ayaa waxaa soo xaadiray 156 xildhibaan, iyadoo ay xildhibaannadu dood-dheer kaddib cod u qaadeen labada hindise-sharciyeed ee ay maanta ansixiyeen.

“Natiijada codeynta heshiiska milateri ee Soomaaliya iyo Talyaanigu waxay noqotay – 134 ogolaatay, saddex diidday iyo shan ka aamustay, heshiiskaas oo ay soo gudbiiyeen guddiga difaaca baarlamaanka waa mid ansax ah,” ayuu yiri Jawaari.

Intaas kaddib xildhibaannadu waxay gudo-galeen inay codka kalsoonida u qaadaan xisaab-xirka miisaaniyad sannadeedkii hore ee 2013-ka oo ay u soo gudbisay baarlamaanka wasaaradda maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya.

Sidoo kale, Jawaari ayaa mar kale ku dhawaaqay natiijada codeynta xisaab-xirka miisaaniyadda sannadkii hore ayaa sheegay inay 135-qof ogolaatay, 15 ka aamustay iyo afar qof oo ka aamusay.

Dhanka kale, xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa maanta u furmay dood siyaasadeed oo soconaysa muddo laba maalmood ah, taasoo ay kaga hadli doonaan xaaladda siyaasadda, amniga iyo hiigsiga sannadka 2016-ka, kaasoo ay saaxafaddu dibad-joog ka ahayd.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
11/3/2014 8:39 AM EST
Isniin, November 03, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Max'ed Max'ud Siilaanyo ayaa maanta ka qaybgallay sanad guuraddii 21-aad ee ka sooo wareegtay markii la aasaasay booliiska Somaliland oo lagu qabtay xarunta taliska guud ee Hargeysa.

11/3/2014 7:21 AM EST
Isniin, November 03, 2014 (HOL) — Madaxa xafiiska amniga iyo bad-baadinta Qaramada Midoobay ee Somaliya Marcus Cully oo maanta soo gaaray magaalada Garowe ayaa kulan gaar ah la qaatay madaxweynaha Puntland Cabdi-wali Maxamed Cali Gaas.

11/3/2014 7:12 AM EST
Isniin, November 03, 2014 (HOL) — Inta la og yahay sagaal qof oo qaxooti ah ayaa lagu dilay, tiro kalana waa lagu dhaawacay kaddib dagaallo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay xerada Qoxootiga Kaakuma ee dalka Kenya.

11/3/2014 5:08 AM EST
Isniin, November 03, 2014 (HOL) — Kulan muddo saacado socday ayaa xalay Muqdisho ku dhex-maray madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh, ra’iisul wasaare, C/weli Sheekh iyo guddoomiyaha baarlaamanka Maxamed Sheekh, kulankan uu ahaa kii u horreeyay oo si ka fool ka fool ahi u dhex-mara madaxda ugu sarreysa dalka tan iyo markii uu soo baxay khilaafka u dhexeeya madaxweynaha iyo ra’iisul wasaarihiisa.

11/3/2014 4:37 AM EST
Isniin, November 03, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud ayaa qoraal uu kaga jawaabay hadalkii danjiraha QM ee Somalia Nicholas Kay wuxuu ku sheegay in xaq-dhowrka madax-bannaanida Soomaaliya ay tahay mid lama taabtaan ah.

11/3/2014 4:22 AM EST
Isniin, 04 November, 2014 (HOL) :- Madaxweeyne ku xigeenka 1-aad ee maamulka Jubba C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamadooda oo kaashanaya kuwa AMISOM ay laba jibaari doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ay ka wadaan Jubooyinka.

11/3/2014 4:00 AM EST
Isniin, 04 November, 2014(HOL) :- Maamulka degmada Dharkeeleey ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay wadaan baaritaanno ku aadan dadkii ka danbeeyay dil kooxo hubeeysan ay shalay gudaha degmadaasi ugu geysteen laba gabdhood oo macalimiin ah.