4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 3 , 2014
Madaxweynaha Puntland oo Maanta Garowe ku qaabilsay wafdi QM ka socday


Isniin, November 03, 2014 (HOL) — Madaxa xafiiska amniga iyo bad-baadinta Qaramada Midoobay ee Somaliya Marcus Cully oo maanta soo gaaray magaalada Garowe ayaa kulan gaar ah la qaatay madaxweynaha Puntland Cabdi-wali Maxamed Cali Gaas.

Waxaa labada mas'uul la sheegay inay ka wadahadleen arrimo la xiriira horumarrada amniga ee gobolka ka jira iyo in  laga wada shaqeeyo sidii loo ilaalin lahaa amniga shaqaalaha ajnabiga ah ee ka howl-gala magoolooyin ay Garowe ku jirto.

“Qaramada Midoobay gaar ahaan xafiiskan waxaa uu Puntland ka caawin doonaa tababaro loo samaynayo ciidamada booliska iyo qaybaha kale amniga ka shaqeeya” ayaa lagu yiri war dowladda ka so baxay ka dib kulankii labada dhinac.

Waxaa masuulkan ka socda UNDSS o si kooban warbaahinta ula hadlay uu sheegay in ku faraxsanyahay booqashada uu ku yimid magaalada Garowe waxaana uu xusay in guul uu ku so dhamaaday shirkii uu la qaatay madaxweynaha.

Madaxweynaha Puntland Cabdi Maxamed Cali Gaas ayaa shalay ka soo laabtay safar uu ugu maqnaa dibadda ,waxaana uu dalka Imaaraadka Carabta kaga soo qayb-galay shir looga hadlayay arimaha burcad badeedda Soomalida.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]