4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 3 , 2014
MADAXWEYNE XASAN: Waa in la Xaq-dhowro Madaxbannaanida Soomaaliya


Isniin, November 03, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud ayaa qoraal uu kaga jawaabay hadalkii danjiraha QM ee Somalia Nicholas Kay wuxuu ku sheegay in xaq-dhowrka madax-bannaanida Soomaaliya ay tahay mid lama taabtaan ah.

Xasan Sheekh ayaa qoraalkiisa ku billaabay “Anigoo ah madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Somaaliya waxaan qirayaa dhamaan inta waqtiga iyo iyo hanti gelisay inay Somalia ku caawinto inay gaarto guulaha muhiimka ah ee ku wajahan yoolka sare ee aan higsaneyno, inay sameeyeen ficil aad u wanaagsan.”

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa yiri: “Labadii sano ee aanu soo dhaafay, iyadoo ay gacan ka geysteen dadweynaha Soomaaliyeed, hay’adaha federaalka ah, baarlamaanka iyo beesha caalamku waxay Somalia ku tallaabsato isbeddel weyn. Waxaan guul weyn ka gaarnay sii wadida is-beddelka annagoo culeyska saarnay saldhig u dhigidda iyo u gogol xaarka sidii dalka loo xasilin lahaa. Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya AMISOM waxay horseedeen in dowladdu gacanta ku dhigto 80% dhulkii Al-shabaab ay haysateen. Dowladda Federaalku waxay sameysay hannaan qaanuun, heykal dowladeed, unugtay nidaamka maamulka maaliyadda, xiriirka Somalia ee beesha caalamka, xoojinta xiriirka waddamada deriska ah, dib u habaynta hey’adaha muhiim ah, hir-gelinta golayaal dib u heshiineed oo lagu wadahadlo, iyadoo jidka u xaartay isbeddel siyaasadeed waxayna diyaarisay Higsiga cusub iyadoo kaalmada caalamka lagu sidkay yoolkaeenna."

"Waxaa aaad noogu weyn filashada in horumarka la joogteeyo. Waxaa kaloo nagu weyn in Soomaaliya loo daayo inay horseed ka noqoto isbeddelkeeda. Markii Somalia aqbashay in ay qayb ka ahaato heshiiska hindisaha cusub, waxaan ku aqbalnay inuu ku saleysan yahay mabaaddii’da iskaashiga ee ku cad hindisaha Somalia, kaasoo ay markhaati ka ahaayeen; ayna ansixiyeen ka qeyb-galayaashii Soomaaliya iyo kuwii Caalamiga ahaa ee shirkii Brussels lagu qabtay bishii September 2013-kii. Mabaaddii’dan iskaashi waxay si cad u qeexayaan baahida iyo filashada in horumarku ahaado mid ay Somalia hagayso, ayna Soomaalidu leedahay – ha ahaato mid siyaasadeed, horumarineed, dhaqaale iyo bulsho," ayuu Xasan Sheekh hadalkiisa daba-dhigay.

Madaxweyne Xasan wuxuu ku baaqayaa in mabaaddii’daas la xaq-dhowro, isagoo yiri: "Waxaan ku baaqayaa in la dhowro xuquuqda Soomaaliya ee madaxbannaanida ee uu qeexayo dasttuurka federaalka KMG ah ee ku wajahan inay mustaqbalkeeda iyadu go’aan ka gaarto, mustaqbal ay go’aaminayaan dadka Soomaaliyeed, hay’adaha federaalka iyo shuruucdeenna."

Isagoo isla arrintan kasii hadlaya ayuu mar kale yiri. "Waxaan mar kale shacabkeenna u xaqiijinayaa in dowladda federaalka ah ay ka go’an tahay Higsiga 2016-ka, si loo xaqiijiyo in dastuurka dib loo eego, la turxaan bixiyo, aftina lagu ansixiyo, in federaalka dalka oo dhan lagu baahiyo iyo u diyaargarowga doorashada 2016-ka uu xowli ku socdo. Ma diidani in howl badan ay na sugeyso, wakhtiga lagu fulin lahaana uu yar yahay, balse wax qabasho la’aan dhinicii ay doonto ha ahaatee lama aqbali doono."

Ugu dambeyn, wuxuu madaxweynuhu qoraalkiisa ku yiri. "Anigoo fahmaya walaaca ay ka qaybto beesha caalamka xaaladda dalka, haddana sida ugu habboon ee loo taageeri karo hoggaamiyayaasha Soomaaliya iyo hay'adaheedu waa in la xaqdhowro, loona oggolaado in ay afkaartooda kala duwan ay ku xalliyaan si sharci ah ayada oo loo marayo hey’adaha jira oo iyagu hadda ah hey’ado soo bislaanaya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya