Majaajiliiste Ilka-case si lama filaan ah ugu geeriyooday Magaalada Muqdisho
Jimco, November 21, 2014 (HOL) — Allaha u naxariistee waxaa maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho majaajaliste, Cabdi Maxamuud (Ilka-case) oo ka mid ahaa kuwa sida weyn caanka ugu ahaa majaajilooyinka iyo ruwaayadaha yar-yar ee warbaahinta ay tabiso, waxaana geeridiisa xaqiijiyay maareeye ku xigeenka tiyaatarka Qaranka, Abwaan C/kariim Jiir.
Abwaan Jiir ayaa sheegay in maydka marxuumka duhurnimadii maanta laga helay guriga uu ka deggenaa Muqdisho, isagoo xusay inaysan weli aqoonin sabab uu u dhintay, balse xaaladdiisa caafimaad ay ahayd mid wanaagsan.
“Ma ogin sababta geeridiisa, balse caafimaadkiisa wuxuu ahaa markii iigu dambeysay mid wanaagsan, balse geeridu waa xaq, naxdin ayayna nagu noqotay,” ayuu abwaan C/kariin Jiir ku yiri hadal uu warbaahinta siiyay.
DAAWO: Majaajilo ay wadajir u jileen Ilka-case, Cali Hiiraan iyo Marshaale
Ilka-case ayaa wuxuu caan ku ahaa majaaliladii sida weyn looga dhageysan jiray Muqdisho ee ‘Abooto kutubeey’ taasoo qaybo badan ka koobnayd uuna la jilay majaajiliistihii kale ee Soomaaliyeed Jayte oo isna sanado ka hor lagu dilay magaalada Muqdisho.
Sidoo kale, Ilka-case ayaa wuxuu sameeyay ruwaayado yar-yar oo ay dadka Soomaaliyeed aad uga heleen, kuwaasoo ka bixi jiray warbaahinta la iska arko kuwa maqalka ee Somalia, kuwaasoo ay isla jileen marxuumiinta kala ah; Cabdi Jeylani Malaaq oo 2012-kii lagu dilay Muqdisho iyo Cali Xasan Aadan (Cali Hiiraan) oo bartamihii sannadkan xanuun awgii ugu geeriyooday Muqdisho.
Majaajilooyinka marxuumka uu wax ka jilay ayaa lagu cabirayay hadba xaaladda uu dalku ku sugan yahay, isagoo majaajillo aad u qosol badan oo ka hadlaysay hubka fara badan ee gacmaha shacabka ku jira la sameeyay Awkuku oo isna Muqdisho ku dhintay.
Ugu dambeyn, Allaha u raxmadee majaajiliiste, Ilka-Case ayaa wuxuu ka mid xubno kasii dayn jiray Telefishinka af Soomaaliga ku hadla ee Universal barnaamij loogu magac-daray Faaliyaha Qaranka oo lagu soo bandhigi jiray xaaladaha siyaasadeed ee toddobaadkaas ka jirta guud ahaan Soomaaliya.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya