4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 18, 2014
Xubno Golaha Wasiirrada ka tirsan oo RW Somalia ka dalbaday inuu is-casilo


Talaado, November 18, 2014 (HOL) — Warqad ay ku saxiixnaayeen 17 xubnood oo ka tirsan golaha wasiirrada xukuumadda Somalia ayaa maanta warqad ay kaga dalbanayaan inuu is-casilo u gudbiyay ra’iisul wasaaraha Somalia, C/weli Sheekh Axmed.

Xubnahan oo isugu jiray wasiir ku xigeenno iyo wasiir u dowlayaa ayaa ka baxay saakay kulan uu isugu yeeray ra’iisul wasaare C/weli Sheekh, iyadoo taas badalkeedana u gudbiyay qoraalkan ay ku weydiisanayaan inuu is-casilo.

Qoraalkan ayaa daba-socda qoraal ay habeen hore u gudbiyeen xubno ka tirsan wasiirrada xukuumadda ras’iisul wasaarahooda, taasoo ay kaga dal-badeen inuu xilka iska casilo.

Haddaba qoraalka wasiir ku xigeennada iyo wasiir u dowlayaasha ayaa ahaa sidan:


 

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya