4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 31, 2014
Booliiska Galmudug iyo Puntland oo howlgallo ka wada Gaalkacyo (SAWIRRO)


Isniin, Maarso 31, 2014 (HOL) — Maamullada Puntland iyo Gal-mudug ayaa markii ugu horreysay magaalada Gaalkacyo si wadajir ah uga billaabay howlgallo lagu xaqiijinayo amniga, kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in laga baqdin qabo in xubno ka tirsan Al-shabaab ay Gaalkacyo kusoo dhuuntaan.

Kulan maanta ka dhacay saldhigga booliska Galmudug ayaa lagu go'aamiyay in laga billaabo magaalada howlgallo ay iska kaashanayan ciidamada booliiska Puntland iyo kuwa Galmudug, waxaana kulankaas ka qaybgalay guddoomiyeyaasha Gaalkacyo ee labada maamul iyo taliyeyaasha ciidamada booliiska.

Taliyaha qeybta booliiska gobolka Mudug ee maamulka Galmudug, Maxamed Nuur Cali (Gadaar) ayaa hadal uu jeediyay ku sheegay in kulankooda uu ahaa mid lagu mideynayo booliiska iyo laamaha amniga magaalada Gaalkacyo ee labada maamul, isagoo intaas ku daray inay arrinta gacan ka geysanayso adkeynta amniga guud ee Gaalkacyo.

Cabdullahi Shire oo isna ah taliyaha qaybta booliiska gobolka Mudug ee Puntland ayaa sheegay in xilligan ay ka go'an tahay booliiska Gaalkacyo ee ka amar qaata Puntland iyo Galmudug inay wada-shaqeeyaan, wuxuuna intaa ku daray inay xoojin doonan dadaallada ay ku doonayan xoojinta amniga magaalada.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:


Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey oo isna hadal jeediyay ayaa sheegay in labada maamul ay isla garteen inay iska kaashadaan sugidda amniga, wuxuuna xusay inay ka hortegi doonan cid walba oo isku dayda inay geysato falal amniga wax u dhimaya.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha gobolka Mudug ee maamulka Galmudug, Aweys Cali Siciid oo isna hadlay ayaa sheegay in amniga Gaalkacyo uu kasoo raynayo xilliyadii ugu dambeeyay, kaddib dadaal ay sameeyeen ciidamada booliiska. Isagoo ballan-qaaday in waqti kasta ay diyaar u yihiin sidii ay garab u siin lahaayeen shacabka ku nool magaalada Gaalkacyo.

Dhinaca kale, taliyaha qeybta booliiska Mudug ee maamulka Galmudug, Maxamed Nuur Cali Gadaar ayaa warbaahinta gudaha u sheegay inay gacanta kusoo dhigeen ruux ay uga shakisan yihiin inuu ka tirsan yahay ururka Al-shabaab ee Koonfurta dalka ka dagaalama.

Taliyuhu wuxuu hadalkiisa ku daray in ruuxan ay kasoo qabten duleedka degmada Gaalkacyo, ayna ku hayan saldhigga booliiska, markii baaritaanno lagu sameeyo kaddibna ay u gudbin doonaan maxkamadda.

Sidoo kale, taliyuhu wuxuu soo hadal qaaday in booliiska Gaalkacyo ee Galmudug uu dib xorriyaddooda u siiyay saddex qof oo midkood dumar ahayd oo loo qabtay tuhun la xiriiray inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, kuwaasoo baaritaan ciidamadu ay ku sameeyeen lagu ogaaday inaysan raad ku lahayn kooxdaas.

Wada-shaqeynta booliiska gobolka Mudug ee maamullada Galmudug iyo Puntland  ayaa noqonaysa mid ka qayb-qaadanaysa dadaallada lagu xoojinayo ammaanka Gaallkacyo, waxaana la sheegay inay si joogta ah booliisku ay howlgallo u sameyn doonaan.

Iimaan Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]
Gaalkacyo, Soomaaliya