5/12/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 26, 2014
Xukuumadda Somaliland oo ka Jawaabtay eedeyn ay u soo jeedisay Puntland

Arbaco, Maarso 26, 2014 (HOL) — Wasiir ku xigeenka wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland Cismaan Garaad Soofe ayaa ka jawaabay eeddo uu sheegay inay kasoo yeeray madaxda sare ee Puntland.

Wasiirka ayaa tilmaamay in maamulka Puntland ku eedeeyeen Somaliland inay saaxiib la tahay kooxda Al shabaab, taas uu hadalkaasi ku sheegay mid deel qaaf ah.

“Wasiirro reer Puntland ayaa yidhi Somaliland waxay saaxib la tahay Al shabaab, runtii warkaasi waxba kama jiraan waana war been abuur badani uu ka dhex-muuqdo oo uu ku jiro,wax yaabo badan  oo gaf ahina ay ka dhex muuqdaan, markaa anagu waxaan leeyahay  walaalkayaga wasiirka ah amniga puntland daris wanaag ayaa inaga dhaxeeya,daris wanaagana in la xurmeeyo ma wanaagsana”ayuu yidhi wasiir ku xigeenka Amniga Somaliland Cisman Garaad oo ka hadlayey hadalo ka soo yeedhay wasiiro ka tirsan Puntland.

Waxaanu intaas ku daray “Anagu waanu ku dadaalaynaa in xagayaga wax kastoo keeni karaya mushkilaad iyo isku dhac waanu ka digtoonaanaynaa,hase ahaatee sidaad wasiir wax u wadaa maaha sidii darisku wax u ahaan jiray waan daris xumo hadalada aad sheegaysana waxaa ku jira hadala badan oo deel qaafa”.

Wasiirka ayaa sheegay in hadaladda iyo wararka aan jirin ee daacayadda ah ee ee Puntland ka soo yeedhay ay u gudbin doonaan dawladda dhexe ee Soomaaliya, maadaama oo Puntland hoostimaado, isla markaana wada hadal u dhexeeyo Somalinad iyo Soomaaliya, taas oo lagu heshiiyey in wax dacaayad ah dhinacna ku kicin.

Si kastaba ha ahaatee, waxa maalmahan dambe warbaahinta iska wareerayey Somaliland iyo Puntland oo isku haysta goboladda qaar, waxaanay labadda dhinacba ciidan soo dhoobeen deegaanadda bariga iyo koonfurta gobolka Sanaag.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland