3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 28, 2014
SH. CALI DHEERE: Waxaan naga go’an inaan la dirirno Maamul goboleedyada

Sabti, June 28, 2014 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa shaacisay inay dagaal la geli doonto cid walba oo ku howlan dhismaha maamul goboleedyada dalka, iyadoo ay dhawaan xukuumaddu heshiis dhexdhigtay maamullo ku muran sanaa xukunka gobollo ku yaalla Koonfur-galbeed Soomaaliya.

Afhayeenka Al-shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) oo la hadlay warbaahinta ku hadasha afkooda ayaa sheegay inay ka go’an tahay ka hortagga wax walba oo sababi kara inay shacabka Soomaaliyeed iska horyimaadaan oo ay qabiil-qabiil u dagaalamaan.

Sheekh Cali Dheere ayaa ku nuux-nuuxsaday in sameynta maamul goboleedyada ay ka dambeeyaan reer Galbeedka oo uu sheegay inay uga gol-leeyihiin inay kala googooyaan shacabka Soomaaliyeed iyo dhulkooda.

“Maanta dalkii oo dhan waa la goo-gooyay tuulo-tuulo ayaa loo kala jaray, Afgooye oo 30-km u jirta Muqdisho ayaa la leeyahay loogama taliyo Xamar ciddii diiddana waxaan ula dagaalamaynaa sida Al-shabaab oo kale, taas waxaan yeeli karno ma ahan; waan la dagaalamaynaa dhammaan waxa loogu yeero maamullada gobollada ka jira,” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Hadalka Al-shabaab ayaa imaanaya iyadoo dowladda Soomaaliya ay waddo qorshe ay ku dhisayso maamullada gobollada dalka, taasoo ay ku sheegtay inay qayb ka tahay qorshaha dowladdu ay ku doonayso inay dalka kaga hirgeliso federaalka.

Tani waa markii ugu horreysay oo Al-shabaab ay sheegto inay la dagalaamayso cid walba oo ku howlan dhismaha maamul goboleedyada, iyadoo dadka Soomaaliyeed qaarkood ay ku tilmaameen federaalka inuu yahay mid iska horkeenaya shacabka Soomaaliyeed.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
6/28/2014 1:24 PM EST
Sabti, June 28, 2014 (HOL) — Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) ayaa amar ku bixiyay in baaritaanno lagu sameeyo baabuur walba oo ay saaran yihiin ciidammo hubeysan, isagoo xusay in gaadiidka dadweynah iyo kuwa ay ciidamadu wataan si isku mid ah loo baarayo.

6/28/2014 1:02 PM EST
Sabti, June 28, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inay diyaariyeen barnaamij loogu magic-daray nabad ku afur, kaasoo uu sheegay inuu yahay barnaamij lagu adkeynayo ammanka guud ee dalka, gaar ahaan Muqdisho.

6/28/2014 12:38 PM EST
Sabti, June 28, 2014 (HOL) — Deegaanno ka tirsan gobolka Sool ayaa marqirib-nimadii caawa laga arkay bilashada bisha barakaysnayd ee Ramadaan, iyadoo maalinta berri ah ay noqonayso maalintii koowaad ee bishan Ramadaan.

6/28/2014 12:30 PM EST
Sabti, June 28, 2014 (HOL) — Jaamacadda Plasma ee fadhigeedu yahay Muqdisho ayaa abaal-marin lagu guddoonsiiyay shirweyne caalami ah oo guddoomiyayaasha jaamacadaha adduunka ay ka qaybgaleen, kaasoo maanta lagu soo gaba-gabeeyay dalka Hindiya.

6/28/2014 9:18 AM EST
Sabti, June 28, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hoggaaminayay oo safarro shaqana ugu maqnaa dibadda ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe, halkaasoo si weyn loogu soo dhaweeyay.

6/28/2014 7:53 AM EST
Sabti, June 28, 2014 (HOL) — Degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa waxaa ka socda bannaan-baxyo waaweyn oo looga soo horjeedo heshiiskii lagu saxiixay magaalada Muqdisho toddobaadkii lasoo dhaafay.

6/28/2014 7:40 AM EST
Sabti, June 28, 2014 (HOL) — Ergeyga Qaramada Midoobay ee Somalia, danjire Nicholas Kay ayaa maanta hambalyo u diray dhammaan dadka Soomaaliyeed oo isku diyaarinaya sidii ay uga faa’iideysan lahaayeen fadliga Ramadaanka.

6/28/2014 7:20 AM EST
Sabti, June 28, 2014 (HOL) — Xisbiga DADKA oo ka mid ah xisbiyada dalka ka jira ayaa warbixin uu soo saaray kaga hadlay maalmaha xorriyadda Soomaaliya, isagoo sheegay in xorriyaddii dalka la gaarsiiyay laga doortay in dhibaatooyin aan dhammaad lahayn uu dalku dhex-qotomo.

6/28/2014 6:55 AM EST
Sabti, June 28, 2014 (HOL) — Ergaygii Maraykanka u qaabilsanaa wada hadalada Israa'iil iyo Falastin Martin Indyk ayaa is casilay ,ka dib markii uu ku guul-daraystay xal u helidda khilaafka sii kordhaya ee labada dhinac ka dhaxeeya.

6/28/2014 3:14 AM EST
Sabti, June 28, 2014 (HOL) — Booliiska dalka Kenya ayaa toogasho ku dilay 1,000 ruux muddo shan sano ah gudahood, sida lagu sheegay warbixin uu soo saaray urur madax-bannaan oo ka shaqeeya caafimaadka kana howlgala dalka Kenya.

6/28/2014 2:38 AM EST
Sabti, June 28, 2014 (HOL) — Qoraallo ay soo kala saareen AMISOM iyo Mareykanka ayaa looga digay weerarro argagaxiso oo ay Al-shabaab ka geysato magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka qaarkood inta lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan; iyagoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay feejignaan dheeri ah muujintaan inta lagu jiro Ramadaanka.

6/28/2014 2:29 AM EST
Sabti, June 28, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo ku aaddan sannad-guuradii 37-aad ee xorriyadda dalka Jabuuti wuxuu u diray shacabka iyo dowladda Jabuuti.