4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 28, 2014
Mas’uuliyiin Al-shabaab ka Tirsan oo Baraawe kula Tukaday Dadweyne badan


Isniin, July 28, 2014 (HOL) — Kumannaan dadweyne ah oo ku noo degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose iyo mas’uuliyiin ka tirsan Al-shabaab ayaa maanta salaaddii ciidda ku tukaday fagaaro weyn oo ku yaalla degmadaas.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose, Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla ayaa dadka tujiyay salaaddii ciidda. Isagoo salaadda cidda kaddib khudbad ku baxaysay luuqadda carabiga ka jeediyay goobtaas, isagoo goobta salaan kaga diray dagaalyahannada islaamiyiinta ah ee caalamka.

Sheekh Abuu Cabdalla ayaa soo hadal-qaaday duulaankii ugu dambeeyay ee AMISOM ay ku qaadday gobalka Shabeelaha Hoose, isagoo sheegay inay ku jabeen oo haatan ay ku go’doonsan yihiin degmada Qoryooley iyo meelaha kale ee ay gobalka ka joogaan.

Afhayeenka Al-shabaab, Sheekh Cali Dheere oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in Maraykanku uu ku jabay Afghanistaan; haatanna uu la’yahay qaab uu kaga baxo dalkaas.

Dalalka Ciraaq iyo Liibiya ayuu sheegay in maamulada ka jira ay ku socdaan baaba’, isagoo xusay in dagaalyahannada dhulkaas ka dagaalamaya ay ku dhow yihiin inay la wareegaan maamullada dalalkaas.

Sheekh Cali Dheere ayaa tahniyad u diray dhammaan xoogagga dhiiggooda u huray difaacida diinta Islaamka, kuwaasoo uu sheegay inay guulo ka gaari doonan dagaalkooda oo uu ku sheegay mid jihaad ah.

Ugu dambeyn, Sheekh Cali dheere ayaa ka hadlay dhibaatada xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ku haysata Muqdisho, isagoo sheegay inay ka go’an tahay inay beegsadaan inta ay howlahaas ku jiraan.

Dhanka kale, waxaa lagu soo bandhigay goobta salaaddii kaddib ciyaaro ay ka mid yihiin kuwa fardo-fuulka, iyadoo ay ku tartamayeen dhallinyaro Al-shabaab ka tirsan oo fardo kala duwan, waxaana isugu soo baxay fagaaraha dadweyne fara badan si ay ciyaaraha u daawadaan.

Al-shabaab ayaa weli ka talisa deegaanno badan oo ka mid ah Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, iyagoo intii lagu jiray bisha Ramaadaan weerarro ay ku dileen xildhibaanno iyo askar ka tirsan dowladda Soomaaliya ka fuliyay magaalada Muqdisho.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya