4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 28, 2014
Ciidda oo si weyn looga Dabaal-dagay Deegaannada Jubbooyinka (SAWIRRO)


Isniin, 28 July, 2014 (HOL) :- Iyadoo guud ahaan dunida Islaamka maanta looga dabaaldegayo munaasibadda ciidul fitriga ayay bulshada ku dhaqan gobollada Jubooyinka waxa ay manta si weyn ugu dabaaldegeen munaasibadda ciidda barakeeysan ee ciidul fitriga.

Boqollaal qof oo dadka reer Kismaayo ah ayaa manta isugu soo baxay fagaareyaal kala duwan oo ku yaal magaalada  Kismaayo, iyadoo manta salaadda lagu oogay ilaa 6 goobood oo ku yaal magaalada.

Goobaha ay dadku sida weyn isugu soo baxeen waxaa kamid ah garoonka kubadda cagta ee Wamo Studium ee magaalada Kismaayo halkaasoo ay shacabka reer Kismaayo kula tukadeen madaxda ugu sareeysa ee Jubbaland, iyadoo ammaanka goobta ay siweyn u sugayeen ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Jubba.

Inta aan salaadda la gelin kahor ayaa waxa dadweeynihii halkaasi isugu yimid la hadlay madax ay kamid yihiin gudoomiyaha degmada Kismaayo Ibraahim Max’ed Yuusuf (Timajilic), gudoomiyaha gobolka J/hoose Mudane C/rashiid Gooni, Afhayeenka maamulka Jubbaland C/naasir Seeraar iyo madaxweeyne kuxigeenka 1-aad ee Jubbaland Mudane C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, waxa ayna dhamaantood si isku mida hambalyo ku aadan ciidda ugu direen shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweeyne ku xigeenka maamulka Jubba C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo khudbad dheer jeediyay ayaa uga hadlay arimo badan, isagoo ugu baaqay shacabka ku dhaqan degmada Kismaayo in ay ka shaqeeyaan nabadda iyo horumarka deegaanada Jubooyinka.

Wadooyinka magaalada Kismaayo ayaa manta ahaa kuwo aad u mashquul badan, iyadoo marka aad ku socdaasho xaafadaha kala duwan ee magaalada ay indhahaagu qabanayaa carruur iyo dadweeyne kala duwan oo aad u labisan islamarkaana ay ka muuqato farxad iyo reynreyn ku aadan maalintan farxadda badan ee ciidda.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya