4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 28, 2014
Magaalooyinka Waa-weyn ee Puntland oo si Weyn Looga Ciiday (SAWIRRO)

Isniin, July 28, 2014 (HOL) —Maanta oo ay taariikhda Hijrigu tahay 1-da bisha Shawaal ee sanadka 1435, kuna beegan July 28, 2014, waxaa si weyn dunida Muslimka ah loogaga dabaal degayaa munaasabadda Ciidul-fidriga.

Magaalooyinka waaweyn ee dalka, gaar ahaan kuwa deegaanada Puntland ee ay sanadkan dadku hal mar wada ciideen waxaa kamid ah: magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Kumanaan dadweyne ah ayaa isugu soo baxay jidadka, waxaana salaadda Ciidka lagu oogey dhamaan masaajidda xaafadaha iyo garoonka kubadda cagta ee degmada, halkaas oo ay culimaa'uddiinka iyo maamulkuba bulshada kula hadleen.

Shaqaalaha dowladda hoose ayaa ilaa xalay ku howlanaa sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen  bilicda degmada, waxayna nadifiiyeen jidadka,  iyadoo amaankuna uu ahaa maanta mid si weyn loo adkeeyey.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:


Si taas lamid ah waxaa looga ciidey magaalooyin kale oo ay kamid yihiin: Garoowe, Qardho, Gaalkacayo, Badhan iyo qaar kamid ah degmooyinka ku yaal dhulka laamiga ka baxsan.

Dhinaca kale madaxda sare ee Puntland gaar ahaan Madaxweyne C/weli Gaas iyo ku-xigeenkiisa C/xakiim Camey ayaa bulshada ugu hanbalyeeyey faraxadda Ciidka, waxayna ilaah uga baryeen in uu sanadkan sanadkiisa xiga nabad iyo barwaaqo ku gaarsiiyo.

Munaasabadda Ciidul-fidriga oo sanad walba loo dabaal dego dhamaadka bisha barakaysan ee Ramadaan, waxay sanadkan kusoo beegantay xilli kulul, islamarkaana ay magaalada Boosaaso inta badan dadku xagaa bax kaga maqan yihiin.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya