4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 25, 2014
Fannaaniin si Tiiraanyo leh uga hadlay Dilkii Marxuumad Saado Cali Warsame


Jimco, July 25, 2014 (HOL) — Fannaaniinta Soomaaliyeed ee kala ah Hibo Nuura, Cadar Axmed Kaahin iyo Shariif Jeeg ayaa ka hadlay dilkii loogu geystay Muqdisho maalin ka hor maxuumad Saado Cali Warsame, iyagoo muujinayay daroonkooda ku aaddan dilka.

Saddexdan fannaan oo ku sugan dalka Mareykanka una warramayay BBC-da ayaa ku tilmaamay marxuumad Saado Cali Warsame oo ahayd fannaanad iyo xildhibaanad inay geesinimo ku dhimatatay iyadoo u shaqeynaysa dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

“Waxaan oran karaa Saado Cali waxay u dhimatay iyadoo geesiyad ah oo dadkeeda iyo dalkeeda u halgamaysa. Waayo waxay ahayd halyeeyad aan la gabban fikirka ay qabto,” ayay tiri Cadar Axmed oo intaas ku dartay inay ka naxday geerideeda.

Cadar Axmed Kaahin ayaa sidoo kale sheegtay in Saado ay ahayd qof ay aad u jecel yihiin dadka Soomaaliyeed oo dhan, ayna muddo fog kuwada jireen fanka Soomaaliyeed, ayna markii uu burburku dhacay kuwada noolaayeen dalka Mareykanka.

Sidoo kale, Hibo Nuura oo iyadoo ooyaysa ka hadashay dilkii Saado Cali loogu geystay Muqdisho ayaa sheegtay inay aad uga naxday warka dilkeeda ku saabsan, ayna Alle uga baryayso inuu Jannaadeedii Fardowso ahayd ka waraabiyo.

“Innagoo yar-yar Ayaan fanka iskula soo biirnay Saado, waxay ahayd gabar aan la gabban fikirkeeda, waxayna ahayd fannaanad hal-abuur leh oo markii ay fanka kusoo biirtay dhowr tixood oo sugaan ah tirisay,” ayay hadalkeeda ku drtay Hiba Nuura.

Hibyo Nuura oo muddo joogtay Muqdisho balse dib ugu laabatay Mareykanka ayaa sheegtay in shalay ay booqatay saddexii carruurta ahayd ee ay dhashay, kuwaasoo ooyaya, meel walbana ku qoray soo dhawow hooyo.

“Shalay waxaan u tagay saddexdii carruurta ahayd ee ay dhashay Saado Cali iyagoo ooyaya oo meel walba ku qoray soo dhawoow hooyo (Welcome Mama), kuna qaylinayay erayo murugo leh. Oohintii aan halkaas kasoo qaaday illaa xalay oo dhan waan ooyaya,” ayay mar kale tiri Hibo Nuura.

Ugu dambeyn, Shariif Jeeg oo ah majaajiliiste ayaa isagana sheegay inuu ka naxay warka ku saabsan geerida marxuumad Saado Cali, ayna muddo 15-maalmood ka hor ah ugu dambeysay, xilligaas oo ay u sheegtay inay dalkii ku laabanayso.

“Allaha u naxariistee Saado waxay ahayd geesiyad dalkeeda jecel, waxayna u dhimatay dal jacaylkeeda. Mar walba oo aan isla hadalno ama aan kulanno waxay ka sheekeyn jirtay Soomaaliya, waxayna ahayd qof dhiiggeedu mar walba ku shaqeeyo dal jacayl,” ayuu yiri Shariif Jeeg.

Marxuumad Saado Cali Warsame ayaa waxaa Arbacadii lasoo dhaafay ku dilay meel ku dhow hoteel ay deggenayd kooxo hubeysan oo gaari watay, waxaana lala dilay darawalkeedii, isla markaana ka mid ahaa shaqaalaha rayidka ah ee baarlamaanka Soomaaliya.

Dilka Saado Cali Warsame ayaa waxaa mas’uuliyaddiisa sheegatay Xarakada Al-shabaab, iyadoo dilka fannaanadan isla markaana ahayd xildhibaanad uu saameyn weyn ku yeeshay shacabka Soomaaliyeed.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya