3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 23, 2014
Xildhibaanad Saado Cali Warsame oo Muqdisho lagu dilay iyo Al-shabaab oo sheegatay Mas'uuliyadda dilkaas (SAWIRRO)


Arbaco, July 23, 2014 (HOL) — Allaha u naxariisteen xildhibaanad, Saado Cali Warsame oo ka mid ahayd xubnaha haweenka ah ee baarlmaanka Soomaaliya ku jira ayaa goor dhow lagu toogtay dhabarka dambe ee hoteelka ay deggenayd ee Ambassador oo ku yaalla jidka Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaannadan ayaa waxaa la sheegay inay toogteen dambley gaari watay, kuwaasoo isku hor-gooyay gaari ay wadatay dabadeedna toogtay iyada iyo darawalkeediina, waxaana tani ay noqonaysaa markii ugu horreysay oo xildhibaanad haweeney ah oo baarlamaanka ka tirsan lagu dilo Muqdisho.

"Kooxo hubeysan oo gaari watay ayaa isku hor-gooyay gaari ay la socoday xildhibaannada, waxaa lagu furay rasaas, isla goobta waxaa ku dhintay xildhibaannada iyo darawalkeedii ku waday gaariga," ayay tiri haweeney ganacsi ku haysata agagaarka hoteelka Ambassador oo la hadashay HOL.

Dableyda dilka geystay ayaa markiiba goobta ka baxsaday sida ay haweeneydan mar kale u sheegtay HOL, iyadoo ay haatan halka uu dilku ka dhacay ku sugan yihiin ciidammo fara badan oo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Marxuumadda ayaa waxay ahayd marka laga soo tago xildhibaannimada mid ka mid ah fannaaniinta Soomaaliyeed ee sida weyn looga yaqaan gudaha dalka iyo dibadda, waxaana tn iyo sannadkii 2012 ka mid ahay baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo ku baaqi jirtay in lagu dadaalo sidii dalka dhibaatada looga saari lahaa.

Al-shabaab ayaa sheegatay inay ka dambeysay dilka xildhibaannada, iyadoo la sheegay inay dileen xildhibaanada iyo darawalkeeda rag ku hubeysnaa qoryo culus oo ku sugayay meel ku dhow hoteelka ay deggenayd ee Muqdisho.

"Ciidamadeenna gaarka ah ayaa fuliyay dilka xildhiabaanad Saado Cali Warsame, waxayna tani qayb ka tahay dilalka qorsheysan ee aan doonayno inaan ku layno xildhibaanada golaha baarlamaanka Soomaaliya," ayuu yiri sarkaal u hadlay Al-shabaab.

Xildhibaanad, Saado Cali Warsame ayaa ku noqonaysa afar xildhibaannadii sannadkan lagu dilay magaalada Muqdisho. sidoo kalena waxay laba ku noqonaysaa xildhibaannadii la dilay inta lagu jiray bishan barakeysan ee Ramadaan.

Wixii kasoo kordha dilka xildhibaannad Saado Cali Warsame, waxaad kula socon doontaan wararka dambe ee HOL haddii ALLE ogolaado.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
7/23/2014 2:01 PM EST
Arbaco, July 23, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh iyo sii hayaha xilka ergayga ururka Midowga Afrika ee arrimaha Soomaliya iyo madaxa AMISOM, Lydia Wanyoto Mutende ayaa si adag u cambaareeyay dilkii xildhibaanad Saado Cali Warsame iyo darawalkeedii maanta loogu geysty Muqdisho, kaasoo ay mas'uuliyaddiisa sheegatay Al-shabaab.

7/23/2014 10:29 AM EST
Arbaco, July 23, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed Maxamed iyo ergayga Qaramada Midoobay ee Somalia, Nick Kay ayaa ka tacsiyeeyey dilka xildhibaanad, Saado Cali Warsame ay kooxo hubeysan ay maanta ugu geysteen degmada Muqdisho.

7/23/2014 9:58 AM EST
Arbaco, July 23, 2014 (HOL) — Malleeshiyo beeleed ayaa maanta ku dagaalamay gudaha degmada Caabudwaaq ee gobolka Galguduud, dagaalkaas oo dhaliyay khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

7/23/2014 9:45 AM EST
Arbaco, July 23, 2014 (HOL) — Al-shabaab ayaa ku toogtay degmada Diinsoor ee gobolka Bay maanta gabar ay ku eedeeyeen inay jaajuus u ahyd ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ka socda dalka Itoobiya.

7/23/2014 9:37 AM EST
Arbaco, July 23, 2014 (HOL) — Madaxa xuquuq-insaanka golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay Navi Pillay ayaa ku tilmaamtay duqaymaha Israel ee marinka Gaza danbiyo dagaal, iyadoo maalinkii 16-aad ay weerarro isdab-joog ahi ku socdaan dhulka Falastiin.

7/23/2014 9:03 AM EST
Arbaco, July 23, 2014 (HOL) — Wafdi ka socday Qaramada Midoobay, isla markaana ay hoggaamineeysay ku xigeenka kaaliyaha xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Fatiha Saruur ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo, iyagoo kulan la qaatay madaxda ugu sarreysa maamulka Jubba.

7/23/2014 8:54 AM EST
Arbaco, July 23, 2014 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay weerar ku qaaday guri ay daganaayeen ciidamo ka tirsan kuwa nbadsugidda maamulka Jubba, iyadoo weerarkaasi uu sababay dhaawacyo soo gaaray laba askari.

7/23/2014 8:27 AM EST
Arbaco, July 23, 2014 (HOL) — Xaflad lagu sagootinayay danjirihii hore ee Turkiga u joogay Soomaaliya, Cemalettin Kani Torun ayaa lagu qabtay maanta garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, iyadoo danjiraha oo tan iyo sannadkii 2011-kii ka howlgalayay Muqdisho ayaa maanta u dhoofay dalkiisa.

7/23/2014 2:53 AM EST
Arbaco, July 23, 2014 (HOL) — Maxkamad ku taalla magaalada Cadan ee dalka Yemen ayaa si rasmi ah ugu wareejisey ganacsade Yemeni ah saddex markab oo ay Soomaaliya lahayd, kuwaasoo muddo ay socotay dacwaddooda.

7/23/2014 2:09 AM EST
Arbaco, July 23, 2014 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay ku toogtay Shalaanbood oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose afar askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Somalia, kuwaasoo ay ku weerareen guri ay ka deggenaayeen deegaankaas.

7/23/2014 2:08 AM EST
Arbaco, July 23, 2014 (HOL) — Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis ayaa shaaciyay inay casuumaad uu ku imaanayo Hargeysa u fidiyeen ergayga Qaramada Midoobay ee Somalia, danjire Nicholas Kay, tan iyo markii uu mad-madowgu soo dhexgalay ergayga iyo maamulka Somaliland.

7/23/2014 1:51 AM EST
Arbaco, July 23, 2014 (HOL) — Iska-horimaad inta la ogyahay ay ku dhinteen saddex qof oo dhinacyadii dagaalamay ka mid ah ayna ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan ayaa xalay ka dhacay xaafado ka tirsan degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir.