WAR DEG DEG AH: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya C/risaaq Xaaji Xuseen oo geeriyooday

Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Marxuum C/risaaq Xaaji Xuseen

Jimco, Janaayo 31, 2014 (HOL) —Waxaa goor dhaweyd ku geeriyooday magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya C/risaaq Xaaji Xuseen oo beryahan xanuunsanayay.

Geerida Ra'iisal Wasaarihii hore waxaa HOL u xaqiijiyay Abdisalaan C/qafaar Xaaji Xuseen oo ah wiil uu adeer u yahay marxuumka . Marxuumka ayaa ku geeriyooday Isbitaalka Jaamacadda ee Magaalada Minneapolis.

Alle ha u naxariistee C/risaaq Xaaji Xuseen wuxuu ahaa Ra'iisal Wasaarihii labaad oo ay yeelato Soomaaliya oo xor ah, wuxuuna xilka hayay intii u dhaxeysay 14-kii June 1964  illaa 15-kii July 1967. Waxaa xilka Ra'iisal Wasaarenimada kaga horreeyay Alle ha u naxariistee C/rashiid Cali Sharma-arke oo xilka Ra'iisal Wasaarenimada hayay intii u dhaxeysay 12-kii July 1960  illaa 14-kii June 1964.

 

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICCUN.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]