4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 26, 2014
KISMAAYO: Dibadbax lagu Taageeray Ciidamada Kenya (SAWIRRO)


Axad, Janaayo 26, 2014 (HOL) — Dibadbax ballaaran oo lagu taageerayo ciidamada Kenya ee qaybta ka ah AMISOM loogana soo horjeedo inay ka baxaan gobollada Jubbooyinka ayaa maanta ka dhacay degmooyin dhowr ah oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Banaanbaxyadan ayaa ka dhacay degmada Kismaayo, Afmadow, deegaanka Dhoobleey, Qooqaani iyo deegaano kale, waxaana dadkii goobahaasi isugu soo baxay ay ku siteen boorar ay ku xardhanyihiin halku dhigyo ay ku taageerayaan in ciidamada Kenya ay sii joogaan Jubooyinka.

Boqollaal qof ayaa maanta isugu soo baxay wadooyinka waaweyn ee magaalada Kismaayo, waxaana dadkani ay isugu tageen garoonka kubadda Cagta ee Waamo Studium ee magaalada Kismaayo halkaasoo ay ku sugnaayeen masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubba.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Qaar kamid ah dadka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in maanta ay usoo dibadbaxeen si ay u muujiyaan dareenkooda ku aadan ciidamada Kenya ee  ku sugan Jubooyinka, maadaama maalmihii u danbeeyay ay soo ifbaxayeen warar sheegayay in la doonayo in ciidamada Kenya laga badalo Jubooyinka.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay madaxweeyne kuxigeenka labaad ee maamulka Jubba Suldaan C/qaadir Lugadheere, wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Max’ed Warsame Faarax (Darwiish) iyo wasiirka arimaha bulshada Macalim Max’ed, kuwaasoo sheegay in ay soo dhaweynayaan dareenka shacabka islamarkaana ay gaarsiin doonaan caalamka.

Dhinaca kale, dibadbaxyo kuwan la mid ah ayaa maanta ka dhacay degmooyin dhowr ah oo ay ku jirto degmada Afmadow, Dhoobleey, Qooqaani, Badhaadhe iyo deegaano kale oo dhowr ah kuwaasoo uu ka arimiyo maamulka Jubba.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya