3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 5 , 2014
Marxuum C/risaaq Xaaji Xuseen oo Janaaso loo Sameeyay (SAWIRO)


Arbaco, Feberaayo 05, 2014 (HOL) — Maydka ra’iisul wasaarihii labaad ee Soomaaliya, Cabdirisaaq Xaaji Xuseen ayaa lagula tukaday salaaddii janaasada masaajidka weyn ee Abuubakar Al-Sadiiq ee magaalada Minneapolis shalay oo Talaado ahayd, waxaana ka qaybgalay jinaasada muslimiin fara badan  badan.

Waxaa ka hadlay culumaa’udiinka gobolka qaar ka mid ah, waxaa taariikhda marxuumka ka sheekeeyay Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo ay saaxiib dhow ahaayeen, isagoo sheegay in Cabdirisaaq uu u dhintay dhaawac soo gaaray 1950-kii.

“C/risaaq oo ahaa Taar-wale ama dhii-dhaale, waxaana dhici jirtay in SYL ay hesho warar aanay heli jirin Tayaaniga iyo Ingiriiska oo gumeystayaashii Soomaaliya haystay ahaa, marka habeen ayaa madaxdii Talyaaniga ay bar-timaalsadeen Cabdirisaaq marka siday u garaacayeen ayuu dhiig tufay marka dhawaacii sanbabkiisa soo gaaray ayuu Jimcahii hadda u dhintay marka Soomaaliyeey Cabdirisaaq cadowga ayaa  dilay taa yaan la iloobin,” ayuu yiri Prof. Samatar.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Sidoo kale, C/raxmaan Dalmar oo ku hadlay codka qoyska marxuumka ayaa u mahad-celiyay shacabka Soomaaliyeed meel kasta ay joogaan isagoo si gaar ah ugu mahadceliyay dowladda Soomaaliya qaasatan madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud oo xiriiri toos ah la sameeyay qoyska markii ay geeridu dhacday ballanqaadayna inay aas Qaran u sameynayaan.

Culummaa'uddiinka khudbadaha jeediyay ayaa waxaa ka mid ah: Sheekh Axmed Taajir iyo Sheekh C/raxmaan Sheekh Cumar oo Imaan ka ah masjidka Abuubakar Al-Saddiiq ee ku yaalla magaalada Minneapolis

Marxuum C/risaaq Xaaji Xuseen ayaa lagu wada in maalinta Jimcaha ee soo socota oo ay bishan ku beegan tahay 07-da lagu aaso magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya, iyadoo dowladda Soomaaliya ay guddi u saartay aaska marxuumka.

Maydka marxuumka ayaa maanta oo Arbaco ah 11:00 subaxnimo laga dhoofin doonaa garoonka Minneapolis iyagoo xubno ka dirsan dowladda Soomaaliya kula wareegi doonaan dalka Turkiga, waxaa ka raaci doona magaalada wafdi ka kooban jaaliyadda iyo qoyskiisa, waxaana ka mid ah prof. Cabdi Ismaaciil Samatar.

Siyaad Salaax Siciid, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota













Click here
2/5/2014 2:47 PM EST
Arbaco, Feberaayo 05, 2014 (HOL) — Dowladda Soomaailya ayaa sheegtay inay maanta kala wareegay Al-shabaab deegaan cusub oo ku yaalla jidka isku xira magaalada Muqdisho iyo xarunta gobolka Shabeellada Hoose ee Marko.

2/5/2014 10:48 AM EST
Arbaco, Feberaayo 05, 2014 (HOL) — Booliiska Somalia ayaa maanta Muqdisho kusoo bandhigay walxaha qarxa, kaddib markii habeen hore ay booliisku ku sheegeen wareysiyo ay bixiyeen in madaafiicdii lagu duqeeyay Muqdihso ay ahaayeen kuwo macmal ah.

2/5/2014 10:29 AM EST
Arbaco, Feberaayo 05, 2014 (HOL) — Xukuumadda Uganda ayaa ciidammo tiro ahaan gaaraya 1,600 u diray Soomaaliya, iyagoo beddelay ciidan horraantii toddobaadkan ku laabtay Uganda, afhayeen u hadlay milateriga ayaa sidaa u sheegay warbaahinta.

2/5/2014 10:11 AM EST
Arbaco, Feberaayo 05, 2014 (HOL) — Dowladda hoose ee magaaladda Hargeysa ayaa bilowday samaynta wadooyinkii burburay, kuwaas oo u samaynayey qaab casri ah oo jiritaankeeda loogu talo galay muddo dheer inay shaqayso.

2/5/2014 10:06 AM EST
Arbaco, Feberaayo 05, 2014 (HOL) — Kooxda Alshabaab ayaa saaka weerar ku qaaday xero ay ciidamada dowladda Soomaaliya ku lahaayeen deegaan lagu magacaabo Boonkaay oo Baydhabo u jira 5-km, dagaalkan ayaa waxaa ku dhintay saddex qof oo ka mid ahaa ciidamadii deegaankaas dagaalku ku dhexmaray.

2/5/2014 9:57 AM EST
Arbaco, Feberaayo 05, 2014 (HOL) — Ciidamada amniga maamulka Somaliland oo ay taageerayaan cutubyo ka tirsan sirdoonka Itoobiya ayaa xabsiga u taxaabay sarkaale sare oo horay uga tirsanaan jiray kooxda Al-shabaab oo ka dagaalanta qaybo kamid ah dalka Soomaaliya.

2/5/2014 9:43 AM EST
Arbaco, Feberaayo 05, 2014 (HOL) — Munaasibad lagu furayay xafiiska cusub ee rugta ganacsiga Jubooyinka islamarkaana masuuliyiinta rugta ay kusoo bandhigayeen hiigsigooda waxqabad ee sanada 2014 ayaa ka dhacday xafiiska cusub ee rugtaasi ku yeelatay magaalada Kismaayo, iyadoona munaasibadaasi ay kazoo qeybgaleen xubno ka tirsna golaha wasiirada maamulka Jubba, Odoyaasha dhaqanka, Ganacsato, Haween, ururrada bulshada rayidka iyo guud ahaanba qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Degmada Kismaayo.

2/5/2014 7:19 AM EST
Arbaco, Feberaayo 05, 2014 (HOL) — Safiirka Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya magaalada Brussels ee xarunta Midowga Yurub, Cali Siciid Fiqi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay qorbe-joog Soomaaliyeed oo ka kala yimid dalalka Britain iyo Holland.

2/5/2014 6:41 AM EST
Arbaco, Feberaayo 05, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas, ayaa sheegay in xoojinta midnimada dadka reer Puntland ay tahay yoolka koowaad ee xukuumaddiisa, maadaama sida uu madaxweynuhu tilmaamay horumarka Puntland uu ku xiran yahay in la helo wadajirka dadkii Puntland wada dhistay.

2/5/2014 12:37 AM EST
Arbaco, Feberaayo 05, 2014 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay in ay ka dambeysy duqeymihii Muqdisho ayna sii wadi doonaan, iyagoo intaa ku daray inay ku muujinayeen awood-xumada haysata dowladda Somalia.