4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 1 , 2014
Taariikh nololeedka C/risaaq Xaaji Xuseen oo kooban (SAWIRRO)
Sabti, Feberaayo 01, 2014 (HOL) — Shalay, waxaa magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka ku geeriyoodey -AHN- C/risaaq Xaaji Xuseen oo ahaa ra'iisul wasaarihii labaad ee dalka Soomaaliya uu yeesho laga soo bilaabo xilligii xorriyadda (1960).

C/risaaq oo muddo toddobaad ah isbitaal ku jirey, waxaa -sida uu warbaahinta u sheegay walaalkiis C/qafaar Xaaji Xuseen- uu u geeriyoodey xanuun dhanka saableyda (feeraha) kaga dhacay, oo sida la sheegay ka dhashay dhaawac xabsiga loogu geystey, xilli uu u xirnaa gumeystihii Talyaaniga.

Inkasta oo taariikhda C/risaaq Xaaji Xuseen aan qormo yar lagu soo koobi karin, waxan hadana isku deyayaa bal inaan inta ugu muhiimsan ka taabto sooyaalka nololeed iyo waayaha siyaasadeed ee marxuum C/risaaq Xaaji Xuseen.

Dhalashadiisa iyo Siyaasadda Kahor
C/risaaq Xaaji Xuseen, wuxuu ku dhashay miyiga degmada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug, 24-tii bishii December ee sanadkii 1924.

Sanadihii ugu horreeyey noloshiisa wuxuu kusoo qaatay miyiga isaga oo muddo dheer geel-jire ahaa, maadaama uu kasoo jeeday qoys reer guuraa ah oo geel badan dhaqan jirey.

Qur'aanka iyo waxbarashada asaasiga ah, waxaa u dhigay aabihiis Xaaji Xuseen Catoosh oo ahaa wadaad diinta Islaamka aqoon durugsan u leh dad badanina ay malcaamaddiisa ka aflaxeen.

Waxbarasho toos ah ma qaadan, haseyeeshee wuxuu helay tacliin dadban isagoo si wanaagsan ugu hadli jirey afafka Soomaaliga, Ingiliishka iyo Talyaaniga.

C/risaaq Xaaji Xuseen iyo Siyaasadda

Midig 1, C/risaaq X. Xuseen | Midig 2, Madaxweyne Aadan Cadde | Bidix 1, Madaxweynihii hore Ghana Nkrumah.


kaddib markii ay dhaq-dhaqaaqyadii xornima-doonku dalka ka bilowdeen, wuxuu C/risaaq Xaaji Xuseen kamid ahaa dhallinyaradii ololaha xooggan u galay in dalka Soomaaliya uu xornimo buuxda helo.

Sanadkii 1944 ayuu kamid noqday Naadigii Dhallinyarada Soomaaliyeed (Somali Youth Club) SYC. Kaddib markii magaca ururkii SYC loo beddeley (Somali Youth League) SYL, waxaa C/risaaq Xaaji Xuseen loo doortay xog-hayihii guud ee ururka sanadkii 1955.

Markii uu dalku xornimada qaatay 1960kii, C/risaaq Xaaji Xuseen wuxuu ahaa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka. Isla 1960-kii wuxuu kamid noqday xukuumaddii ugu horreysey ee uu ra'iisul wasaaraha ka ahaa C/rashiid Cali Sharmaarke.

Wasiirka arrimaha gudaha ayuu soo noqday muddadii u dhexeysey 1960 ilaa 1962. Intaas kaddib waxaa loo magacaabay wasiirkii howlaha guud iyo is-gaarsiinta isagoo xilkaas hayey intii u dhexeysey sanadihii 1962 ilaa 1964.

Sanadkii 1964 ayuu madaxweyne Aadan Cabdulle Cismaan wuxuu C/risaaq Xaaji Xuseen usoo magacaabay inuu noqdo ra'iisul wasaarihii labaad ee Soomaaliyada xorta ah, xilkaasoo uu hayey tan iyo sanadkii 1967.

Kaddib markii ay mileterigu xukunka dalka la wareegeen Oct 21, 1969, C/risaaq Xaaji Xuseen wuxuu kamid ahaa siyaasiyiin dhowr ah oo xabsi guri lagu xukumay, wuxuuse dib xorriyaddiisa u helay bishii April, 1973.

Intii ay dalka ka jirtey dowladdii kacaanka ee uu madaxweynaha ka ahaa Maxamed Siyaad Barre, C/risaaq Xaaji Xuseen wuxuu ahaa wakiilka Soomaaliya u jooga qaramada midoobay, xilkaasoo uu hayey muddo shan sano ah, waqtigaas oo ku beegan intii u dhexeysey sannadihii 1974 ilaa 1979.

Shaqsiyaddiisa

Dadka ay soo wada shaqeeyeen, qaraabadiisa iyo dhammaan dadka aqoonta fiican u leh, waxay C/risaaq Xaaji Xuseen ku tilmaamaan inuu ahaa qof hufan, dhowrsoon, firfircoon, xalaal miiraad ah aadna u maskax furan.

Muddadii uu ra'iisul wasaaraha ahaa, wuxuu ku dadaalay in la dhowro hantida dowladda aadna looga hortago musuq maasuqa iyo wax is daba marinta.

Aragtidiisa siyaasadeed
C/risaaq Xaaji Xuseen oo kamid ahaa dadkii usoo halgamay xorriyadda ay maanta Soomaaliya haysato, wuxuu si aad ah ugu ololeyn jirey fikirka ah in la helo Soomaali-weyn oo mideysan.

Siyaasiyiin aad uga soo horjeestey heshiiskii Caruusha ee Soomaaliya iyo Kenya ay ka gaareen dhulka Soomaaliyeed ee NFD ayuu Xaajigu kamid ahaa.

Wuxuu sidoo kale si aad ah uga soo horjeestey soo gelitaanka ciidamada Itoobiya ee dalka, kaddib markii ay tobannaan kun oo militeriga Itoobiya ka tirsani xadka kasoo tallaabeen sannadkii 2006.

Federaalka iyo goboleysiga ayuu sidoo kale si weyn uga soo horjeedey, isagoo marar badan sheegay in nidaamka federaalku uu yahay mid sii xoogeynaya qabyaaladda iyo dhibaatooyinka Soomaaliya ka jira.

Waraysigiisii ugu dambeeyey ee warbaahinta uu siiyo oo ay Idaacadda Codka Maraykanka qaybta Af-soomaaliga ku hadashaa la yeelatay, ayuu kaga hadlay aragtidiisa ku aadan federalismka isagoo dhanka kale tilmaamay in dowladda cusub ee Soomaaliya ay horumar badan samaysay haseyeeshee ay wax badani ka dhiman yihiin.

Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyeeyey geerida C/risaaq Xaaji Xuseen, sidoo kale waxaa tacsi taas lamid ah u diray ehelada, qaraabada iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed, Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas.

Meydka C/risaaq Xaaji Xuseen waxaa maalmaha soo aaddan la keeni doonaa magaalada Muqdisho, halkaas oo sida Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu galabta  sheegay aas qaran loogu sameyn doono.

WAREYSI AY HIIRAAN ONLINE LA YEELATAY C/RISAAQ XAAJI XUSEEN



Xigasho:

1-Mukhtar, Mohamed Haji (2003). Historical dictionary of Somalia (New ed. ed.). Lanham, Md.: Scarecrow Press. p. 18. ISBN 0810866048.
2-
Who's Who in the Arab World 2007-2008. Walter de Gruyter. p. 397. ISBN 3110930048.
3- VOA - Laanta Afka-soomaaliga.
4- C/qafaar Xaaji Xuseen -  C/risaaq Xaaji Xuseen walaalkiis.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online.
[email protected]
Puntland, Soomaaliya