Axad, December 07, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Max'ed Max'uud Siilaanyo ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley wefdi dalka Maraykanka ka socday, kaasoo uu hogaaminaysay ku xigeenka madaxda hay’adda horumarinta u qaaabilsan Maraykanka Etim linda iyo safiirka Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa ka hadlay u jeedada socdaalka weftigan, waxaanu yidhi “Waxa maanta halkan noogu yimid Wefti weyn oo ka socda dalka Maraykanka. Waa wefdigiii heerkan ah ee ugu horeeyay ee inoogoo yimaada Maraykanka, waxaanuna ka wada hadlaynay sidii labada wadan Cilaaqaad cusub oo wada shaqayn iyo waxtar leh u yeelan lahaayeen. Waad la socotaan oo mashaariic badan ayay imikaba ina siisaa USAID, haseyeeshee waxaanu kala hadlaynay sidii naloogu kordhin lahaa”.
Mss. Etim Linda ku xigeenka Madaxa Hay’adda horumarinta Maraykanka ayaa sheegtay inay tahay markii u horaysay ee ay timaado Somaliland, isla markaana ay ka mahad ka celinayso soo dhawaynta loo sameeyay.
Haweyneydan ayaa xustay inay ka wada-hadleen Madaxweynaha iyo wasiiro wehelinayay sidii Hay’adda USAID u sii balaadhin lahayd Mashaariicda dhanka horumarinta ah ee ay Somaliland ka wado.
Madaxweynaha waxa kulankan uu la yeeshay weftigan ku wehelnayey madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland, Mudane Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Madaxtooyada Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan,
Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland