3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 23, 2014
Cayaaraha Soomaalida ee HIRDA AFT oo lagu soo gaba-gabeeyay Amsterdam


Talaado, Disember 23, 2014 (HOL) - Waxaa Magaalada Amsterdam ee dalka Netherlands lagu soo gaba-gabeeyay Cayaaraha Soomaalida ee HIRDA Amsterdam Futsal Tournament, kaasi oo sanadkiiba mar lagu qabto dalka Holland, iyadoona sanadkaan lagu xusayo 10-sano guurada kasoo wareegatay xilligii la aas-aasay qabashada Cayaaraha HIRDA AFT. Waxaana tartanka AFT sanadkaan ka qeyb galay 24-kooxood oo kubada cagta ah, iyo labo koox oo gabdhaha Kubada Koleyga, kuwaasi oo kala socday wadamada Netherlands, Norwey, Denmark, Sweden, Finland, Switzerlands iyo Beljium.

Cayaarahaan  ayaa waxaa sanadkaan si gaar ah loogu casuumay, Duqii hore ee magaalada Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, Danjiraha Dowlada Federalka Soomaaliya u fadhiya wadamada Belgium iyo EUda Danjire Cali Saciid Faqi, Abuukar Cawaale (Qaad-diid), Guddoomiyaha Xiriirka CAFUSA Abdel Mokhtar, Mohamed Attaibi oo ah Cayaaryahan u cayaara Orange Futsal team, Cayaaryahankii hore ee Qaranka Kubada Cagta dalka Soomaaliya iyo kooxdii Horseed Maxamed Ismaaciil, Macalin Xasan Faarax Joon, Qabiir Isboorti isla markaana Matalayay Ururka Isboortiga SEUKI ee ka dhisan dalka Sweden, Sacad Cumar Geedi, Axmed Diinaash, Axmed Muuse, Magan Tahir, Qaar ka mid ah Cayaartoydii hore ee Kubada Cagta, Kubada Koleyga, Teeniska, Orodada, Fanaaniinta kala ah, Cabdi Baadil Ibraahim, Laki Xaaji Waceys, Waayaha Cusub iyo dad kale oo Magac ku dhex leh Bulshada dhexdooda.



Cayaaraha ayaa waxaa sidoo kale sanadkaan lagu casuumay xulka Qaranka Futsalka dalka Morocco, oo ka yimid dalka Beljium, kuwaasi oo 2kulan la yeeshay Cayaartoyda Soomaaliyeed ee Qurba joogta, oo ku cayaarayay Magaca (Somali Dream team EU iyo Somalia Dream team Holland), waxaana Xulka Qaranka Futsalka Qurba joogta dalka Morocco u suura gashay in ay labo kulan ka badiyaan Cayaartoyda Soomaaliyeed ee ku cayaareysay Magaca Somali Dream Team.

Wareegii 1-aad ee Cayaaraha HIRDA AFT, ayaa waxaa ku haray 12 kooxood, oo kala ah; Hoorn (NL), West-Agder (NOR), Kopenhagen (FIN), Veenendaal (NL), Wageningen (NL), Wassenaar (NL),  Nieuw-Lekkerland (NL), Amsterdam (NL), Zurich (CHE) , Kristiansand (NOR)  Nieuwwegein (NL) Eindhoven (NL).

Wareega 2-aad waxaa ku tartamay Kooxaha kala ah;  Venray  (NL), Leidschendam (NL), Denhaag (NL), Rotterdam (NL), Reeuwijk (NL), Husby (SWE), Stockholm (SWE), Helsink (FIN), Antwerpen (BEL), Alkmaar (NL), Denbosch (NL), Arnhem (NL), waxaana Finalkii Cayaaraha hiigsaday labada koox ee kala ah, Reeuwijk (NL) oo uu hogaaminayay Macalin Foora-gacan iyo Kooxda Denhaag (NL) oo uu Hogaaminayay Macalin Niinje, waxaana Koobkii la hoyday kooxda Reeuwijk (NL), ee uu hogaaminayay Macalin C/latiif Islow (Foora-gacan), iyadoona Koobka uu guddoonsiiyay Duqii hore ee Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan).

Dhinaca kale waxaa iyaguna fooda is daray Kooxaha Gabdhaha Kubada Koleyga Soomaaliyeed ee Qurba-joogta, kuwaasi oo ka kala yimid wadamada Britian, Norwey, Holland iyo Germany, iyadoona ay kala Hogaaminayeen Cayaartoydii hore ee Soomaaliyeed, Xaawo Kiin iyo Shukri Dalbaas, waxaana labo kulan oo dhex maray labada koox ay guusha raacday Kooxda ay Hogaamineysay Shukri Dalbaas, kuwaasi oo hantay Koobkii Gabdhaha Kubada Koleyga ee Cayaaraha HIRDA, waxaana Koobkaasi guddoonsiiyay, Danjiraha Dowlada Soomaaliya u fadhiya EU-da & wadmada Benelux Dr. Cali Saciid Faqi.

Gaba-gabadii Cayaaraha ayaa xaflad weyn oo lagu qabtay Hoolka Xafladaha ee Garoonka Sporthallen Zuid Amsterdam, ayaa waxaa Abaalmarino kala gedisan halkaasi lagu Guddoonsiiyay Kooxihii galay kaalimaha 1-aad, 2-aad, Cayaaryahankii ugu goolalka Badnaa, Cayaarahankii ugu wanaagsanaa, iyo shaqsiyaad isugu jirey ; Macalimiin, Fanaaniin, Siyaasiyiin, Wariyeyaal, Shaqsiyaad ka shaqeeya Arrimaha Bulshada, iyadoona dadka laga xusi karo ay ka mid yihiin, Duqii hore ee Magaalada Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan), Agaasimaha Hey'adda HIRDA, Drs. Faatumo Faarax, Abuukar Cawaale (Qaad-diid) Fanaanka Cabdi Caadil Ibraahim, Qabiiro Isboorti iyo dad kale oo magac ku dhex leh Bulshada Dhexdooda,

Yuusuf Yuusuf
[email protected]













Click here
12/23/2014 11:05 AM EST
Talaado, December 23, 2014 (HOL) — Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, C/raxmaan C/llaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa sheegay in Suldaan Abuubakar Cilmi Wabar uu waddanka qiyaameynayo mar hadduu ka hor-yimid wixii ay ku heshiisay Somaliland, isla markaana sharciga la hor geyni doono.

12/23/2014 9:17 AM EST
Talaado, December 23, 2014 (HOL) — Wiil Somali-American ah oo ka mid ahaa dagaal-yahannada kooxda Islaamiga ah ee Daacish ayaa la sheegay in lagu dilay dalka Suuriya, kaasoo magaciisa lagu sheegay Maxamed C/llaahi Xasan.

12/23/2014 8:45 AM EST
Talaado, December 23, 2014 (HOL) — Isbahaysiga mucaaradka ah ee Kenya CORD ayaa maxkamadda sare ee Kenya u gudbiyay dacwad dhan ka ah sharciga cusub ee dib u habey-nta amniga Kenya oo madaxweynaha dakaas uu toddobaadkii hore saxiixay.

12/23/2014 8:18 AM EST
Talaado, December 23, 2014 (HOL) — Kulan ay guddoonka baarlamanka Soomaaliya iyo guddiyada joogtada ah ay ku yeesheen maanta Muqdisho ayaa lagu go’aamiyay in berri oo Arbaco ah uu baarlamaanka horyimaado ra’iisul wasaaraha magaacaban, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo bartamihii bishan xilka loo magacaabay.

12/23/2014 8:06 AM EST
Talaado, December 23, 2014 (HOL) — Kooxo hubeysan oo aan hayb ahaan la garan ayaa magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ku dhaawacay maanta, Yaasiin Nuur Gaas (Raadaar) oo ka ah mas’uuliyiinta sare ee maamulka KMG-ka ah ee Jubba.

12/23/2014 5:05 AM EST
Talaado, December 23, 2014 (HOL) — Safiirka dowladda Switzerland u qaabilsan arimaha Soomaaliya Dominik Langenbacher ayaa booqasho aan la sii shaacin maanta ku soo gaaray magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

12/23/2014 4:45 AM EST
Talaado, December 23, 2014 (HOL) — Ragga hubeysan oo heybtooda aan la garaneynin, ayaa labo Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Bilayska keydka ee Kenya, waxey ku dileen magaalada Wajeer ee gobalka Waqooyi bari kenya habeenimadii Isniintii ee lasoo dhaafay.

12/23/2014 3:50 AM EST
Talaado, December 23, 2014 (HOL) — Ururka KA JOOG oo kala-taliya waxbarashada iyo ka hortagga dambiyada dhallinyaradda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Maraykanka ayaa kulan u qabtay ardayda Soomaaliyeed ee degen gobolka Minnesota, gaar magaalooyinka, St Paul, Minneapolis iyo Eden Preire, kuwasoo xilligan laga caawiyo waxbarashada iyagoo ku jira barnaamij lagu magaacabo 4H oo ay iska kaashanayaan KA JOOG iyo Jaamacadda Minnesota.

12/23/2014 3:23 AM EST
Talaado, December 23, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, C/wali Maxamed Cali Gaas oo ka hadlay heshiiskii ay Jabuuti ku gaareen madaxweynaha Soomaaliya iyo kan Somaliland ayaa sheegay in qaar ka mid ah qodobbada heshiiskaas ay Puntland ahaan ka qabaan walaac aad u xooggan.

12/23/2014 2:58 AM EST
Talaado, December 23, 2014 (HOL) — Xukuumadda Itoobiya ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay ciidammo dheeraad ah u soo dirayso Soomaaliya, si ay u bedesho kuwii Sierra Leone oo Sabtidii lasoo dhaafay isaga baxay Somalia, kaddib markii amar uu kasoo baxay ururka Midowga Afrika.