4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 20, 2014
Beledweyne oo laga Xusay Aasaaska Ciidanka Booliiska Somalia (SAWIRRO)


Sabti, December 20, 2014 (HOL) — Munaasabad lagu xusayay 71-sano-guuradii kasoo wareegtay aas-aaska ciidammada booliiska Somalia ayaa maanta lagu qabtay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Munaasabada oo lagu qabtay gudaha saldhiga booliiska ayaa waxaa ka qeyb-gallay mas’uuliyiinta maamulka heer gobol iyo degmo, saraakiisha ciidamada booliiska iyo marti-sharaf kale.

Taliyaha qeybta booliiska gobolka Hiiraan Col Isaaq Cali C/dulle oo hadal ka jeediyay munaasabada ayaa sheegay in ciidamada booliiska Soomaaliyeed maanta oo kale u tahay maali weyn, maadama ay u dabaal-dagayaan 71 sano-guuradii ka soo wareegtay waqtigii la aas’aasay, waxaana uu sheegay in taaasi ay muujineyso taariikhda fog ee ciidamada booliisku leeyihiin.

“Ciidammad booliiska gobolka Hiiraan waa ciidammo dhisan oo gacan weyn ka geysta sugida amniga, waxay mar walba u taagan yihiin inay u adeegaan bulshada, nabad-galyada buuxda ee maanta halkan [Beledweyne] ka jirta iyo qeybaha kale ee gobolka iyaga ayaa udub dhaxaad u ah ayuu yiri’’ Col Isaaq Cali C/dulle.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan C/fitaax Xasan Afrax oo xafladda ka hadllay ayaa hambalyo guud u dirray ciidammada booliiska Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan kuwa ku sugan gobolka Hiiraan oo sidda uu sheegay ah ciidammo lagu faani karo marka la eego wax qabadkooda.

“Ciidamada booliiska gobolka Hiiraan marka la eego waqtiga ay ku dhismeen iyo wax qabadkooda runtii waxaa la oran karaa waa wax aad u kala fog, annaga ka maamul ahaan waan ku faaneynaa howsha ay bulshada u hayaan ciidammada ayuu yiri’’ guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ciidammada booliiska waqti adag ku soo shaqeeyeen isaga oo tusaalle u soo qaatay weerarkii lagu qaaday 19 Oct, 2013-ka saldhiga booliiska magaalada Beledweyne kaasoo ay ku nafwaayeen tiro ka mid ah ciidammada booliiska gobolka Hiiraan.

Ugu dambeyn, ciidamada ayaa intii ay soctay munaasabada soo bandhigay gaado ka cayaar siweyn ay ula dhaceen ka qeyb-galayaashii munaasabada xuska aas-aaska ciidammada booliiska, iyaga oo muujinaya cududa iyo awood ay u leeyihiin sugida ammniga gobolka guud ahaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya