5/6/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 15, 2014
Cumar C/rashiid oo lagu Wado in loo Magacaabo Ra’iisul Wasaaraha Somalia


Isniin, December 15, 2014 (HOL) — Danjiraha Somalia ee Mareykanka Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa la saadaalinayaa in loo magacaabo ra’iisul wasaaraha saddexaad ee Soomaaliya, isagoo horay ra’iisul waasare uga soo noqday xukuumadihii KMG-ka ahaa ee Soomaaliya.

Cumar C/rashiid ayaa haddii loo magacaabo xilka ra’iisul wasaaraha wuxuu bedeli doonaa ra’iisul wasaaraha xilka sii haya C/weli Shiikh Axmed oo 06-dii bishan waayay kalsoonida xubnaha baarlamaanka Soomaaliya.

Sharma’arke ayaa wuxuu lasoo shaqeeyay madaxweynihii dowladdii KMG-ka ahayd ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ra’iisul wasaare u magacabaay, isagoo xilka hayay sannadihii 2009 illaa 2010, inkastoo uu iska casilay xilka kaddib khilaaf soo dhex-galay isaga iyo Sheekh Shariif.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud ayaa danjiraha Soomaaliya ee dalka Mareykanka u magacaabay Cumar C/rashiid 14 July 2014, wuxuuna noqday danjirihii ugu horreeyay oo ay Somalia u magacowdo danjiraheed u fadhiya Mareykanka muddo 22-sano ka badan.

Xubno ka tirsan madaxtooyada Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in laga yaabo in madaxweyne Xasan uu ra’iisul wasaare u magacaabo Sharma’arke dhowrka maalmood ee soo socda.

Si kastaba ha ahaatee, haddii Cumar C/rashiida loo magacaabo xilka wuxuu noqonayaa ra’iisul wasaarihiisa saddexaad oo uu madaxweyne Xasan Sheekh magacaabo tan iyo markii loo doortay madaxweyne dhammaadkii sannadkii 2012-ka.

Ra’iisul wasaarayaashii ka horreeyay Sharma’arke oo kala ah: Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo C/weli Sheekh Axmed oo xilalka ra’iisul wasaarenimo hayay min hal sano ayaa kalsooni ka waayay baarlamaanka kaddib markii ay is-qabteen madaxweyne Xasan Sheekh.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya