4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 24, 2014
Dagaal beeleedyo kasoo cusboonaaday Degmada Mandheera iyo deegaanno hoos-taga


Axad, August 24, 2014 (HOL) - Dhawaqa rasaasta ayaa maanta laga maqlayay gudaha magaalada Mandheera ee ka tirsan gobalka waqooyi bari Kenya kadib markii dagaal u dhaxeyo labo beelood oo dhawaanahaan ka dhacaayay magaalada Rhamu oo 76 KM u jirto Mandheera, uu ku faafay deegaano kale oo magaalada Mandheera ay ka mid tahay.

Wararka ka laga helaayo Magaalada Mandheera, ayaa sheegaayo in dhalinyaro ka soo jeedo mid ka mid ah beelaha dagaalamaayo ay saaka weerareen goobo ganacsi oo ay leeyihiin beesha kale, taasoo keentay in ciidamada amaanka Kenya ay xabado ku kala celiyaan.

Goob joogayaal ku sugan magaalada Mandheera, ayaa Hiiraan Online u sheegay in wali ay xiran yihiin qaar ka mid ah goobaha ganacsiga ee ku yaalo magaalada Mandheera, ayna dadka badankoodu ku sugan yihiin guryahooda xili ay ka cabsi qabaan in dhibaato ay la kulmaan hadii ay banaanka u baxaan.

Ciidamada Booliska Kenya ayaa ku sugan inta badan goobihii ay maanta rabshaduhu ka dhaceen, ayadoo wararku ay intaas ku darayaan in hada xaaladu ay ka dagan tahay sidii ay saaka aheyd.

Rabshadaha ka jiro magaalada Mandheera, ayaa waxey daba socdaan dagaal beeleed Jimcihii ka bilowday Magaalad Raamu oo hoos tagto mandera county.

Senator-ka Mandheera Billow Kerow oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in dagaalku uu bilowday habeenkii jimcihii aynu soo dhaafnay kadib markii rag hubeysan oo weeraray magaalada Rhamu ay dhaawaceen saddex qof.

“Habeenkii Sabtiga, kooxaha hubeysan waxay weerareen gaari xamuul ah oo magaalada soo galaayay  isla markaana waxey dileen xal rux  iyagoo dhawacay   saddex kale” ayuu yiri Billow Kerrow  oo intaas ku daray in dagaalku uu socday ilaa maalintii xigtay ee Axada, boqolaal qofna ay ka barakaceen magaalada.

Kerow wuxuu sidoo kale sheegay in ciidamada amaanku aynan wali gudaha u gelin  goobaha ay dagaaladu ka socdaan ee magalada Rhamu, asagoona ugu baaqay dowladda dhexe ee Kenya iney soo afjarto dirirtaas.

Ilaa iyo hadda macado qasaaraha ay geysteen dagaaladaas ayadoo dadkii ku dhaqnaa degmada Rhamu qaarkood ay gabaad ahaan u galeen dhismayaasha dowladda ee ku yaallo magaaladaas.

Dagaaladda ka dhacaayo tuulooyinka hoostago magaalada Mandheera, ayaa waxey yihiin kuwa soo noq-noqday ayadoo dagaaladii horay oga dhici jiray halkaas ay ahaayeen kuwo ka dhasho muran ku saabsan Daaq iyo Biyo, balse dadka deegaanka qaarkood ayaa sheegay in dagaaladaan hada socdo ay ka duwan yihiin oo ay yihiin kuwa salka ku hayo dhanka awooda iyo Siyaasadda.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected]  | [email protected]|
Nairobi – Kenya