4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 20, 2013
Mudaharaadyo rabshado wata oo xalay ka dhacay Magaalada Ceerigaabo & Khilaaf ka taagan bedelka lacagta Shiling Soomaaliga

Jimco, September 20, 2013 (HOL) — Illaa shan qof ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen mudaharaadyo rabshado wata oo xalay ka dhacay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, kaasoo keenay in la boobo dukaamo ku yaalla magaaladaas.

Rabshadahan ayaa ka dashay ka dib markii maamulka gobolka iyo qaar ka mid ah ganacsatada gobolku isku khilaafeen bedelaadii lacagtii Shilin Somaliga ahaa oo dhowaan loogu bedelay lacagta shilling Somaliland, taas oo xabsiga loo taxaabay qaar ka mid ah ganacsatadda ka dibna ay ka cadhoodeen qaybo ka mid ah dadweynaha magaaladdu.

Dadweynahan ka gadoodsan xadhiga ganacsataddaasi ayaa xalay oo dhan ka socday magaaladda, waxaanay taasi keentay inay ciidanka maniga iyo dadkii mudahraadayey isku dhacaan oo ay illaa shan qof ku dhaawacmeen.

Ciidamada Militariga ayaa markii dambe kala dareeriyey dadweynihii mudaharaadayey, waxaana la sheegayaa inay hadda magaaladu degantahay.

Si kastaba ha ahaatee, qaar ka mid h ganacsatada Ceerigaabo ayaa dhaliilay qaabka loo bedelay lacagtaasi hore ee shilling Soomaaliga ah, iyagoo sheegay in aan hal mar la wada bedelin ee labadda lacagyoodba la wada isticmaalo, haseyeeshee xukuumadda ayaa amar ku soo saartay in aan lacagta Somaliland ahayn la isticmaali karin.

Sidoo kale sarifleyaaasha gobolka Sanaag ayaa iyaguna ka cabanayey inay lacag badan oo foojari ah oo Shiling Soomaali ah  lagu soo daadiyey gobolka, taas oo wax u dhintay dhaqaalihii gobolkan sidaas darteedna ay dalbadeen in wax laga qabto lacagtaasi.

Illaa hadda xukuumadda Somaliland kama hadal khasaarihii ka dhashay mudaaharaadyadaas iyo khilaafka ka taagan bedelka lacagaha shillin Soomaaliga ah oo laga istimcaalo gobolkaas.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online 
[email protected]  
Hargeysa, Somaliland