4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 20, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo gaaray xarunta dalka Mareykanka ee Washington DC (SAWIRRO)


Jimco, September 20, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan wasiiradda arrimaha dibadda Somalia, Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan, wasiirka maaliyadda, Maxamuud Xassan Suleyman, wasiir-u-dowlaha madaxtooyada, Faarax Cabduqaadir iyo la-taliyeyaal qaas ah ayaa maanta gaaray magaalada Washington DC ee dalka Maraykanka, halkaasoo ay kula kulmi doonaan madax sare ee dalkaas.

Safarka madaxweynaha ayaa muhiimaddiisa koowaad waxay tahay inuu kala xaajoodo kuna dhiiri-gelyo sidii loo kordhin lahaa taageerada Maraykanku uu siiyo Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada difaaca, amniga iyo horumarinta nabadda.

Madaxweyne Xasan ayaa wuxuu la kulmay Senator John McCain ee gobolka Arizona iyo xildhibaanno, kuwaasoo uu kala hadlay qaabka Maraykanaka ay Soomaliya uga saacidi lahayd dib u habeynta hay’adaha dowliga ah.

Safarka madaxweynaya ayaa wuxuu qayb ka yahay safarro dhowr ah oo uu kusoo maray dalalka Yurub, waxaana uu inta uu joogo dalka Mareykanka uu la kulmi doonaan jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool iyo weliba madaxweynaha Mareykanka.

Waxaa la filayaa in madaxweynaha Soomaaliya uu kulan gaar ah la qaato madaxweynaha Mareykanka Barack Obama, iyadoo ay noqonayso markii labaad oo ay kulamaan madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxweynaha Mareykanka.





Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya