4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 29, 2013
Faroole oo ka hadlay Xaaladda dadkii ay saameeyeen Roobabkii ka da'ay Puntland iyo Fatahaadda Webiga Shabeelle

Jimco, November 29, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa wareysi uu bixinayey wuxuu kaga hadlay xaaladdii ugu dambeeyay ee dadkii ay saamaynta ku reebeen roobabkii dhawaan ka da'ay qaybo ka mid ah Puntland, sidoo kale wuxuu markii ugu horreysay wax laga xumaado uu ku tilmaamay xaaladda ay ku nool yihiin qoysaskii waxyeelladu kasoo gartay fatahaaddii uu sameeyay wabiga Shabeelle.

C/raxmaan Faroole ayaa marka hore wuxuu faah-faahin ka bixiyay sida ay xilligan tahay nolasha qoysaskii ay saamaynta kasoo gaartay duufaantii ku dhufatay deegaannada Puntland, isagoo xusay in roobabkaas ay waxyeello u geysteen nolasha boqollaal qoys, halka sida uu sheegay ay waxyeello soo gaartay isku socodkii deegaanno ka tirsan Puntland oo ay roobabku xireen marinnadii loo mari jiray.

"Roobabku waxay ahaayeen kuwo saamayntoodu ay xooganayd, waxayna waxyeello u geysteen qeysas badan, sidoo kale waxaa xirmay marinnadii loo mari jiray dhul ballaaran ka tirsan Puntland, halka ay go'day waddadii ugu muhiimsanayd ee isku xiri jirtay Garoowe iyo Bosaaso, waxayna taahi ka dhigtay inay sii murjiso xaaladdii marka jirtay, balse xilligaan waxaan oran karna xaaladdu way ka wanagsan tahay sidii hore," ayuu yiri Faroole.

Sidoo kale, wuxuu ka mahadceliyay gurmadkii ay soo garsiiyeen dowladaha Itoobiya iyo Jabuuti; kuwaasoo deeqihii ugu horreeyey keenay Puntland xilli ay socdeen roobabkii da'ayay, waxaana uu caddeeyay in xilli wanagsan ay soo gacan-qabteen labadan dowladood dadkii ku cayroobay dabeylihii iyo roobabkii da’ay.

Madaxweynaha Puntland oo sii hadlayay ayaa sheegay inay socdaan dadaalo lugu doonayo in dib nolashoodo loogu soo celiyo qoysas badan oo roobabkii, ka da’ay Puntland xoolahoodii ku waayay, isagoo xusay inay wadaan gurmad ay ku doonayaan in dib-u-dajin ay helaan qoysas badan oo xoolo dhaqoto ah kuwaasoo intooda badan xoolahoodii ku waayey roobabkii iyo dabeylahoodii is-watay.

Dhanka kale, madaxweynaha Puntland ayaa markii ugu horreysay oo hadal-qaaday fatahaadihii uu wabiga Shabeelle ka geystay dhul badan oo ka tirsan gobolka Shabeellaha dhexe, isagoo tilmaamay inay si weyn ugu xun yihiin in dhibaato noocan oo kale ah ay ku jiraan walaalhooda ay saamaynta kasoo gaartay fatahaadda uu wabigu sameeyey.

"Runtii waxaan si weyn ugu xunnahay in walaalahedn ku nool qaybo ka mid ah Koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan kuwii ay saameeyeen fatahaadihii uu sameeyay webiga Shabeelle. Waxaan kaloo ka xunnahay dhibaatada xilligan laga soo sheegayo, waxaan ku baaqayaa in dadkaas gurmad lala gaaro si wax looga qabto xaaladdooda, waayo waa dad danyar ah oo aan ku noolaan karin xaalada ay ku jiraan," ayuu yiri Faroole.

Hadalka madaxweynaha Puntland ayaa imaanaya xilli la sheegayo inay wax iska badashay xaaladda ay ku nool yihiin qoysaskii ay wax yeelladu kasoo gaartay roobabkii ka da'ay Puntland, halka sidoo kale laga dayrinayo xaalka ay ku nool yihiin qoysaskii ay waxyeeleeyeen fatahaadihii wabiga Shabeelle.

Hiiraan Online, Gaalkacyo