3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 29, 2013
Shirka Maamul-sameyta gobollada Koonfur-galbeed ee Somalia ee ka socda Magaalada Baydhabo oo u Gudbay Wajigii Labaad


Jimco, November 29, 2013 (HOL) — Shirka ka socda magaalada Baydhabo ee la doonayo in lagu dhiso maamul ay yeeshaan lix gobol oo ku yaalla Koonfurta iyo Galbeedka Somalia ayaa u gudbay wajigiisii labaad sida ay u sheegeen warbaahinta guddiga shirkan maamulka u haya.

Guddiga ayaa sheegay in wajigii koowaad ee shirka uu ahaa mid ay isku-baranayeen ergooyinka shirka ka qaybgalaya laguna dajinayay qorshaha maamulka lagu sameynayo, kaasoo maanta ayaa lasoo gaba-gabeeyay.

“Shirku wuxuu galay wajigiisii labaad, wajiganna waa kii lagu soo dhisayay maamulka lixda gobol ay yeelanayaan, waxaana qaybtan labaad ay si rasmi ah u billaabanaysaa maalinta Sabtida ah ee soo socota,” ayay guddigu ugu sheegeen warbaahinta magaalada Baydhabo.

Guddigu waxay sheegeen in wajigan labaad ay howshiisu culus tahay lana qaybinayo ergooyinka shirka ka qaybgalaya si ay koox walba u soo diyaariso qayb ka mid ah howsha, kuwaasoo ay ka mid yihiin: qorista Dastuurka uu maamulkan yeelanayo, ansixintiisa, doorshada baarlamaanka maamulka iyo doorashada madaxweyaha.     

Shirkan ka socda Baydhabo ayaa waxaa dhawaan sugidda ammankiisa la wareegay ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, iyadoo ergooyinka qaar ka mid ah ay sheegeen in arrintan ay ku timid kulan dhexmaray iyaga iyo ergayga Midowga Afrika ku qaabilsan Soomaaliya, Maxamed Saalax Al-Nadiif.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
11/29/2013 10:41 AM EST
Jimco, November 29, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa wareysi uu bixinayey wuxuu kaga hadlay xaaladdii ugu dambeeyay ee dadkii ay saamaynta ku reebeen roobabkii dhawaan ka da'ay qaybo ka mid ah Puntland, sidoo kale wuxuu markii ugu horreysay wax laga xumaado uu ku tilmaamay xaaladda ay ku nool yihiin qoysaskii waxyeelladu kasoo gartay fatahaaddii uu sameeyay wabiga Shabeelle.

11/29/2013 10:22 AM EST
Jimco, November 29, 2013 (HOL) — Kulan maanta magaalada Gaalkacyo ku dhexmaray mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug iyo bulshada ayaa lagu sheegay in dib loo billaabi doono dhismayaal lugu horumarinayo Koonfurta Gaalkacyo oo ay Galmudug ka arrimiso.

11/29/2013 3:40 AM EST
Jimco, November 29, 2013 (HOL) — Alla ha u naxariistee waxa magaaladda Hargeysa ku geeriyooday Abwaankii caanka ahaa Ciise Warsame Samatar (Ciise Dhancadde) oo ka mid ahaa abwaanadda waaweyn ee Soomaalida isla markaana sameeyey heeso ay dadku badi jecel yihiin.

11/29/2013 2:39 AM EST
Jimco, November 29, 2013 (HOL) — Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, C/raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa ka qaybgalay mashaariic kala duwan oo laga hirgalinayo magaaladda Burco ee gobolka Togdheer.

11/29/2013 2:36 AM EST
Jimco, November 29, 2013 (HOL) — Hal qof ayaa ku dhintay, saddex ruux oo kalena way ku dhaawacmeen qarax xalay fiidkii ka dhacay degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada dhexe sida uu sheegay taliyaha taliyaha nabadsugidda gobolka Shabeellada dhexe, C/weli Ibraahim Maxamed.

11/29/2013 12:28 AM EST
Jimce, November 29, 2013 (HOL) —Musharrax Shire Xaaji Faarax oo kamid ah musharraxiinta shaaciyey in ay u tartami doonaan madaxtinimada Puntland, marka la gaaro doorashada dhici doonta bisha January ee sanadka soo socda, ayaa shir jaraa'id oo xalay uu magaalada Boosaaso ku qabtay, wuxuu ku cambaareeyey dagaalkii shalay ka dhacay degmada Taleex ee gobolka Sool.