4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 29, 2013
Maamulka Gobolka Shabeellada Dhexe oo ka War-bixiyay Qarax Khasaare geystay oo xalay ka dhacay Degmada Jowhar


Jimco, November 29, 2013 (HOL) — Hal qof ayaa ku dhintay, saddex ruux oo kalena way ku dhaawacmeen qarax xalay fiidkii ka dhacay degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada dhexe sida uu sheegay taliyaha taliyaha nabadsugidda gobolka Shabeellada dhexe, C/weli Ibraahim Maxamed.

Qaraxan oo ahaa mid loo adeegsaday bambooyinka gacanta laga  tuuro ayaa lagu weeraray ciidammo ka tirsan kuwa maamulka gobolka oo xilligaa socod ku marayay suuqa qaadka lagu iibiyo, iyadoo ay ku geeriyootay haweeney qaad iibinaysay, saddexda qof ee dhaawacu soo gaarayna waxaaa ku jiray laba dhallinyaro ah oo suuqa qaadka ka shaqeeya.

Ciidamadii lagu weeraray bamka ayaanay jirin wax khasaare ah oo kasoo gaaray weerarkaas, iyadoo kooxihii weerarka geystayna ay halkaas isaga baxsadeen, inkastoo maamulku ay qaraxan ku eedeeyeen Al-shabaab.

“Weerarkan wuxuu ahaa mid ay ka dambeeyeen dhallinyaro gacan-saar la leh Al-shabaab, waxaana socda baaritaanno lagu raadinayo,” sidaa waxaa yiri taliyaha nabadsugidda gobolka.

Xaaladda degmada Jowhar ayaa daggan saakay iyadoo ayasn jirin hadal ka soo baxay Al-shabaab oo ay ku sheeganayaan inay iyagu ka dambeeyeen iyo inaysan ka dambeyn.

Degmada Jowhar ee gobolka Shabeellada dhexe ayaa waxaa dhowr jeer oo hore sidan oo kale uga dhacay qaraxyo geystay khasaarooyin dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya